“cabashada Awdal ku Dabiibto Meelaha ay Doonayaan ee Ah Mansabyada Dawladda.” Suldaan Xiiray

0

Hargeysa(Sayruuq)-Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray,ahna Afhayeenka Salaaddiinta Somaliland,ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukumaddiisa u soo jeediyay inaan Tabashada Awdal lagu daweyn karin Gudoomiyaha Dalladda SONYO oo la siiyo.

Suldaan Xiiray oo ka hadlayay Madal xilka loogu wareejinayay Garabka dhalinyarada SONYO ee taabacsan Cabdicasiis Xirsi Warsame,ayaa Xukumadda u soo jeediyay inay cabashada awdal ku dabiibto meelaha ay doonayaan ee ah Mansabyada Dawladda.

“Madaxweynaha iyo Xukumaddaba waxaan u sheegayaa, Gobolka Awdal Wuu cabbanayaa laakiin, Gudoomiye yar oo laba sanno ah lagu qancin kari maayo. Janannada Somaliland bay wax ka doonayaan, waxay wax ka doonayaan Wasiirada, A-da ah,waxay wax ka doonayaan Ganacsiga.waxaanu leenahay Cabashada Gobolka Awdal ha loo dhago Nuglaado” ayuu yidhi Suldaan Xiiray.

Dalladda Dhalinyarada Somaliland ayaa iskhilaafsan tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore oo lagu kala kacay shirweynihii dalladda oo ka dhacay Hotel Ambasador laguna dooran lahaa Hogaanka Dalladda ee labada sanno ee soo socda. Xukumadda ayaa garab ay taabacsan tahay dhawaan ku sheegtay inuu yahay ka sharciga ah balse Garabka kale oo Aqlabiyaddii Shirweynaha haystay ayaa ku gacan saydhay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.