Caasimadda dawladda dhexe hala wareegto

0
Sunaha kulmiye ku socdo: Ahmed N Guruuje

Caasimadda dawladda dhexe hala wareegto

Magaalooyinka caasimadaha ihi waa muraayadaha lagga daawado quruxda iyo qaayaha wadamada , wadan walbana muuqaalkiisa waxaa ka turjuma caasimadiisa .

Sidaa markay tahay , Somaliiland ahaan waxbaa inoo dheer , waxa aynu ku rabnaa in aynu Aduunyadda ku qancino aqoonsigeena , aduunkana imika looma waramo isagaa indhihiisa wax ku arka .

Sidaa darteed , xeerka caasimadda waxaan odhan lahaa caasimadda hala hoos geeyo dawladda dhexe , dawladda dhexena ha u magacowdo Wasiir u gaara caasimadda oo loo bixiyo wasiirka horumarinta caasimadda .

Wasaaradaas iyo wasiirkeedana hala hoos geeyo , Amniga , tacliinta , bilicda iyo horumarinta caasimadda iyo imkaaniyaadka laggu qabanayo sidda miisaaniiyadda iyo cududa shaqaalaha .

Hadii qaabkan la qaato waxaa suurta galaysa in Miisaaniiyadda caasimadda sanad walba Baarlamaanku ansixiyo , la xisaabtanka maamulka caasimaduna hawl-yaraado maadaama ay tahay qayb ka mida dawladda dhexe .

Faaidooyinka kale ee ku jirri kara waxaa ka mida , in Waajibka caasimaddu xukuumadda fuulo , xafiiska madaxwaynuhuna xanbaarto xil-gudashada masuuliyadda caasimadda .

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.