“Caannimada ha ka raadin Warka.”

0

“Caannimada ha ka raadin Warka.”

Waxa Qoray Khaalid Foodhaadhi

Awad Jouma, waa saxafi iyo tababbare saxaafaddeed oo ka tirsan telefishanka Aljazeera. Waxaa uu ka mid ahaa macallimiin ka kala socday warbaahinta caalamka oo aan kula kulmay magaalada Samsun ee dalka Turkiga.

Wariye Awad Jouma, waxaa uu shaqadiisii ugu horreysay ee uu warbaahin ka qabto ay ahayd Turjumaan, isagoo nala wadaagay wax badan oo ku saabsan khibradda uu u leeyahay sida looga soo warramo goobaha colaadaha, gaar ahaanna; wariyeyaasha ka shaqeeya warbaahinta muuqaalka ah.

Awad Jouma, waxaa uu ka soo warramay bilowgii colaadaha dalka Liibiya iyo wakhtigii la dilay Qadaafi, iyo sidoo kale dhulka ay Israel haysato ee Falastiin oo ah halka uu ka soo jeedo.

Awad, ayaa waxaa uu aad nooga sheekeeyay sida ay muhiim u tahay in ay u wada shaqeeyaan wariyaha iyo sawirqaadihiisu, waxaana uu sheegay in aanay shaqo qurux badan soo baxayn haddii aanay noqon wariyaha iyo sawirqaaduhu laba ruux oo isla jaanqaadaya.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in dhibaatada kale ee saxaafadda qaar haysata ay tahay in ay soo celceliyaan hal sawir iyadoo looga baahnaa sawirro badan ama muuqaallo badan in lagu soo bandhigo sheekada warka. Wuxuu xusay in meelaha inta badan sidaa laga sameeyo ay ka mid tahay Afrika. Wuxuu sheegay in aanu qofku ku fahmayn haddii aanad badsan muuqaalllada sheekada aad tebinayso. Codka dabiciiga ah (Natural sound) ayuu sheegay in uu qayb wayn ka qaato sidii sheekadaada si fudud loogu fahmi lahaa.

Waxaan waydiiyay; “wariyuhu camerada maka soo muuqan karaa marka uu sheeko sameynayo in ka badan laba jeer.”?

Awad, waxaa uu ii sheegay in ay jiraan dad badan oo caannimo ka raadiya warka dhexdiisa. Wuxuuna yidhi: “Haddii aad doonayso in aad caan noqoto jilaa iska noqo laakiin caannimada haka dhex raadin warka, waayo dadku warka ayay u baahan yihiin ee adiga kuuma baahna.”

“Adigu (saxafi) ma tihid sheekada warka ee waxaad tahay gudbiyaha sheekada” ayuu yidhi Awad Jouma oo ka hadlayay sida aanay munaasib u ahayn in dhawr jeer uu wariyuhu ka soo dhex muuqdo sheeko uu sameeyay.

Waxaan aaminsanahay in saxafigii ugu horreeyay adduunka uu ahaa Rasuulkii Alle Muxumed SCW ayuu yidhi. Waayo farriintii uu Alle u soo dhiibay ayuu inna soo gaadhsiiyay.

Warbaahinta Afrika ayuu sheegay in ay u adeegto dadka lacagta haysta oo kaliya, wuxuu tusaale noogu soo qaatay warbaahinta dalka Itoobiya oo uu tababarro siiyay qaarkood, isagoo xusay in ay ka warramaan oo kaliya dadka madaxda ah, sida madaxweynaha ayaa safray, wasiir hebel ayaa dhiggiisa la kulmay. Halkii ay ahayd in warbaahintu u hadasho dadka aan haysan awood ay codkooda ku gaadhsiiyaan kuwa awoodda leh.

Awad, waa nin si fiican u fahansan waxaa ka socda Soomaalida dhexdeeda. Waxaan waydiiyay sababta ay Aljazeera badanaa uga hadasho arrinta dekedda Berbera. Wuxuu ii sheegay; “in aanay Aljazeera English ka hadal arrintaas ee Aljazeera Arabic ay tahay, maaddaama Aljazeera Arabic ay inta badan xoogga saarto arrimaha Khaliijka, isaguna uu ka mid yahay tifaftirayaasha bahda Aljazeera English.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.