Caalamka Oo Ku Hawlan Kulanka Farmaajo & Biixi

0
Somaliland Oo Ka Hadashay Eryidda Haysom

Caalamka Oo Ku Hawlan Kulanka Farmaajo & Biixi
Beesha caalamka ayaa ku hawlan sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadallada Somaliland iyo Somalia oo fashilmay sanadkii 2015 kadib markii la bilaabay sanadkii 2012. Waxa la filayay in ay dib u bilawdaan bilawgii sanadkan laakiin, waxa carqalad ku noqday heshiiska dekedda Berbera oo Soomaaliya diiday iyo colaadda Tukaraq.

Sida ay ku warramayso warbaahinta Caasimada.net danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Nicholas Haysom waxa uu ku hawlan yahay suuro galinta kulan dhex mara madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Waxa uu doonaya in wada hadallada lagu qabto waddankiisa Koonfur Afrika.

Dhanka kale danjiraha Maraykanka ee Somaliland iyo Somalia Mr Yamamoto ayaa dhawaan madaxweyne Farmaajo kala hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadallada iyada oo la filayo in uu Hargeysa yimaaddo si uu ula kulmo Madaxweyne Biixi. Geesta kale madaxweyne Biixi oo dhawaan sheegay in uu wada hadalka Somalia joojiyay ayaa haddana wefti Midawga Yurub ka socday u sheegay in uu diyaar u yahay wada hadallada.

Madaxweynaha Somaliland ayaa marar badan ku eedeeyay madaxda Muqdisho in aanay diyaar u ahayn wada hadal nabadeed, islamarkaana ay ku mashquulsan yihiin dagaal diblamaasiyadeed oo ka dhan ah Somaliland. Dhawaan ayuu Farmaajo sheegay in uu Itoobiya ka soo xidhay faro gelin ay ku haysay Soomaaliya iyada oo loo fahmay in uu ula jeedo Somaliland oo loo arko in uu hoos u dhacay xidhiidhkeeda Itoobiya.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.