“Caafimaadka Suldaan Maxamed Waxa Uu U Baahan Yahay In La Baadho, Beesha Ciidagalena Way Ka Tashan Doontaa”.. Siyaasi Khadar AxmedLike

0

Odayaasha Beesha Ciidagale Oo Ka Gilgishay Hadalkii Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Sheegayna In Aan Xisbiga Faysal Looga Tagayn
Hargeysa (Sayruuq)- Odayaal iyo waxgarad ka mid ahaa guddida xallinta u raadinaysay khilaafka Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe, kana soo jeeda degaannada koonfurta Hargeysa iyo Sallaxley, ayaa sheegay inay xaal ka bixinayaan hadalkii darraad ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ee uu ku sheegay inay faraha kala baxeen xallinta khilaafka labadaasi Masuul, sidoo kalena uu Jamaal ugu baaqay inuu iskaga tago xisbiga UCID oo uu shakhsi yeeshay sida uu Suldaanku hadalka u dhigay darraad. Odayaasha iyo waxgaradkan saxaafadda la hadlay oo uu guddoomiye u ahaa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sheegay in arrintaasi Suldaanka ku koobnayd islamarkaana aanay la ogayn. Waxay sheegeen inay Jamaal iyo Faysal ka raali galinayaan hadalkaasi oo ay meel kadhac ku tilmaameen. Waxyar uun ka dib markii darraad Suldaanku hadalkiisa bayaamiyay waxaa soo baxay qoraal uu soo saaray xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan xisbiga UCID, kaas oo uu ku sheegay in haddii xallintu socon wayday islamarkaana khilaafka UCID markaasi ay go’aansan doonaan ka xisbi ahaan in lagu kala baxo maxakamadda sare, islamarkaana dhakhso dacwadda arrimaha la isku hayo loo horgeyn doono maxakamaddaasi.
Caaqil Xasan Xuseen oo ka mid ah Cuqaasha Beesha ayaa yidhi: “Nasiib darro ayaannu u aragnaa Hadalkaa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, isaga ayaa guddoominayey shirkii dhammaa ee lagaga hadlayay xallinta dhibaatada soo kala dhex gashay UCID. Isaga ayaa ka hadlay kulankaasi hore ee xalka lagu gaadhay maantana in uu sidaa u hadlaa waa meel ka dhac isagaanay meel ka dhac ku tahay. Umadda waxaanu u sheegaynaa gaar ahaan beesha Ciidagale in la isugu yimaaddo kulan ballaadhan oo lagaga tashanayo saldannadda uu umaddaasi u hayo ee uu kalidii ku takri falayo. Waxa kale oo aan halkan anuu ka caddaynayaa in aan Musharrax u ahayn Suldaanka Guud ee Beesha Ciidagale ee uu Suldaan Maxamed ku fadhiyo. Waxaan ka mid ah ragga doonaya in ay booskaa buuxiyaan oo Suldaanka Guud ee Beeshu noqoto mid milgo leh sidaasi ayaan umaddayda u sheegayaa. Waanan ka tashanaynaa ninkaasi (Suldaan Maxamed)”.
Sidoo kale Khadar Axmed Like oo isna madasha ka hadlay waxa uu yidhi: “Umadda reer Somaliland, iyo Jamaal Cali Xuseen xaalbaanu ka siinaynaa. Suldaanku haddii maalinba hadal uu iska yidhaa waxaa lagama maarmaan ah in beesha uu Suldaanka u yahay ee Ciidagale ay isku timaad si degdeg ahna loo hubiyo caafimaadkiisa”.
Intaa kadib dhammaan odayaashii madashaasi ka hadlay waxa ay isku raaceen oo iska daba mareen raallo gelin ay umadda reer Somaliland gaar ahaan taageerayaasha xisbiga UCID ka siiyeen hadalkii darraad ka soo yeedhay Suldaanka guud ee beeshaasi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.