C/risaaq Khaliif: Shakhsiyadda Ugu Haboon Hoggaanka Wakiillada

0

CABDIRISAAQ KHALIIF AXMED: SHAKHSIYADDA UGU HABBOON HOGGAANKA GOLAHA: W/Q Suxufi Ismaaciil Farjar

Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxaan is naqaanay in ka badan 10 sano, runtii waa qof kulansaday sifooyin kala duwan oo ay ku yartahay siyaasiyiinta, sida inuu run sheeg yahay, ballan wanaag iyo isla-weynida oo aanu lahayn, waa qof caan ku ah gacan furnaan, go’aan qaadasho iyo inuu inta badan ka shaqeeyo isu soo dhoweynta bulshada.

Waa qof qiimeeya saaxiibtinimada isaga oo aan kuu eegayn da’daada, cidda aad ka dhalatay iyo xilka aad hayso, hase ahaatee waa qof leh saaxiibtinimo joogto ah. Waa qof leh curin siyaasadeed iyo isku wad bulsho oo awood u leh inay garbihiisa fadhiyaan dad is diidan oo aragtiyo kala duwan qaba. Waa qof afgaaban oo kala fahansan, arrimaha siyaasadeed ee lagu kala aragti duwanaan karo iyo kuwa laga wada shaqayn karo.

Waa qof awood u yeelan kara inuu isku wado gole kala aragti ah. Waa siyaasi la heli karo oo albaabkiisu aanu xidhnayn.

Astaamahaasi waa qayb yar oo ka mida shakhsiyadda Cabdirisaaq Khaliif Axmed. Waxaan aaminsanahay inuu noqon doono Buundo isku xidha xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda.

Haddaan wax dhaafay …..

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.