C Qaadir Jirde Iyo Cabdi Haybe Oo Markii Saddexaad Ku Biiray Xisbiga WADDANI

0

Hargeysa(Sayruuq)- Wasiirkii hore Wasaaradda Beeraha Xukuumadii Rayaale Cabdi Haybe Maxamed iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaacii Jirde oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa markii saddexaad sheegay inay ku biireen Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, oo Sabtidii todobaadkan xaflad soo dhoweyn ah ugu sameeyey Huteelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa.

Labadan siyaasi waxay dhawr jeer oo hore iclaamiyeen inay ku biireen xisbiga WADDANI, waxase xafladii xisbigu ugu sameeyay Hargeysa ay noqotay mid jaho-wareer gelisay ra’yul caamka bulshadda,oo qeyb ka ah xisbiga WADDANI oo xaflado uu xubnihiisa maalinba mid u samaynayo ka dhiganayo jid uu taageereyaal cusub ku kasban karo.

Waxay dadku is weydiinayeen waxa keenay in Cabdi Haybe iyo Cabdiqaadir Jirde oo xisbiga muddo ku soo jiray ay haddana imika looga dhigay siyaasiyiin cusub oo ku soo biiray.

Xildhibaan C/Qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde waxa uu dalka Ingiriiska ka sheegay inuu ku biiray WADDANI 31-kii December 2014-kii. Sidaas si la mid ah haddana waxa uu dalka dib ugu soo laabtay 19-kii March 2015, xilligaasi oo uu warbaahinta ugu sheegay madaarka Hargeysa inuu ku biiray WADDANI.

“Mawqifkayga xisbiga WADDANI wuu cad yahay waxaan ku biiray oo aan ka mid ahay xisbigaas oo aan arko inuu dalka dani ugu jirto,”Ayuu yidhi Xildhibaan Jirde markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa oo masuuliyiin iyo taageereyaal ka tirsan xisbiga WADDANI kaga hor-tageen Madaarka Hargeysa.

Geesta kalena, Wasiirkii hore ee Beeraha Xukuumaddii Rayaale, Md. Cabdi Haybe Maxamed, ayaa isaguna lix bilood ka hor iclaamiyay inuu ku biiray xisbiga WADDANI, waxaanu arrintaas ka caddeeyay xaflad hadhimo sharafeed xisbiga WADDANI u sameeyay madaxweynihii Hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin 14-kii Bishii June 2015.

Haddaba waxa is weydiintu tahay ma xisbiga ayaa arrintani siyaasadiisa tahay, mise labada oday ayaa aamini waayay inay xisbiga WADDANI yihiin oo u baahday In Fagaare loogaga dhaarto inay xisbigaas ka tirsan yihiin.

Xigasho:WARGEYSKA DAWAN

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.