Buurmadow Oo Ka Faallooday Buugga Xirsi

0
Buurmadow Oo Ka Faallooday Buugga Xirsi

Buurmadow Oo Ka Faallooday Buugga Xirsi
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa hoggaamiyaha xisbiga Waddani ahna wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ku dhalliilay in aanu u mahadcelin Axmed Maxamed Siilaanyo madaxweynihii hore ee Somaliland iyo ganacsade Maxamed Siciid Ducaale(Dahabshiil).

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in dadka abaalka ugu weyn ku leh nolosha Xirsi yihiin ganacsade Dahabshiil iyo Axmed Siilaanyo oo madaxtooyada keenay.

“Horta anigu buuga xirsi maan akhriyin, Mana jecli inaan kafaaloodo maadaama aanan akhriyin. Hadiise aan daawaday xafladii buuga waxaan Saluugay khudbadii Xirsi.
Dhanka mahadnaqa waxaan filaayey inuu ku xusi lahaa cidii tacabkiisa lahayd
Oo ahaa labada oday ee Maxamed Siciid Ducaale Oo sabab u ahaa in Siilaanyo barto, Taas baa mudnayd buugana sharaf u ahayd halkuu kaga dheeraa day a maanta Xuseen Dayr iyo xasan madar alleylehe
Inaadeer golihii bandhiga wayseegtay Guusha qudha uu leeyahay inuu xuso waa Maxamed Siciid iyo Axmed Siilaanyo, Waana labadii buuga lamacna ahaa ee midna miyi ka keenay midna madaxtooyada keenay. Aad bay useegtay,” Sidaas ayuu Boqor Buurmadow yidhi.
Buurmadow qormooyin kooban oo uu boggiisa Facebook ku baahiyay waxa kale oo uu been ku tilmaamay xogo buugga Xirsi ee Miyi ilaa Madaxtooyadu xambaarsan yahay kuwaas oo sheegaya in xukumaddii xilka haysay madaxda Waddani ku baayacday lacag badan si looga hor joogsado Xirsi in uu Waddani galo.

“Galka seef tu maleeka umana eka aniga rayigayga waxa kale oo aan u arkaa arin xaqiiq da kafog maxamed awsiciid ayaa 20 malyan ciro ku baayacay iyo cabdiqaadir jirde doorashada ba kumay bixin 20 malyan ciro na wuu guulaysan lahaa haduu helo 20 malyan Hadiise Cabdiraxmaan Cirro iyo Cabdulqaadir u sheegeen ma ahayn inuu qoro xanta saaxiibadii,” Sidaas ayuu yidhi Boqor Buurmadow.

Buugga Xirsi ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo go’aansaday bilawgii muddo xileedkiisa in uu iscasilo isaga oo ka dayriyay xasuustiisa xilliyada culaysyada waaweyn ee shaqo soo wajahaan waxaana arrintaasi ka dhalatay xiisad laga dareemayo baraha bulshada oo dad badan kaga soo horjeestay hoggaamiye Xirsi.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.