Buug Shaaciyay Nacaybka Trump Soomaalida U Hayo

0
Buug Shaaciyay Nacaybka Trump Soomaalida U Hayo

Buug Shaaciyay Nacaybka Trump Soomaalida U Hayo

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bilihii u horeeyay ee muddo xileedkiisa waxa uu wasiirkiisa arrimaha ammaanka Elaine Duke waydiiyay sababtay ay Maraykanka uga mamnuuci wayday Soomaalida oo uu ku tilmaamay dad xun oo dulli ah isaga oo muujiyay cadho uu u qabo Soomaalida.

Arrintan ayaa lagu soo bandhigay Buug magaciisu yahay dagaalka xuduudaha (Border Wars). Buuggan oo cusub ayaa inta aan la soo bandhigin waxa nuqul ka soo iibsaday telefishanka CNN oo warbixinta ku saabsan nacaybka Trump u qabo Soomaalida ka qoray.

Buugga ayaa lagu sheegay in Trump rumaysan yahay in dadka Soomaalida ahi halis ku yihiin Maraykanka waxaanu codsigiisa muddo kooban kadib soo saaray amarkii uu sideed dal oo Soomaaliya ku jirto socdaalkooda ku mamnuucay.
“Trump iyo Stephen Miller (la taliyaha siyaasadda ee Aqalka Cad) labadooduba waxay u muuqdeen in ay nacayb gaar ah u hayaan Soomaaliya iyaga oo muwaadiniintooda ama Soomaaliya soo qaadan jiray marka ay ka hadlayaan khatarta Qaxoontiga ama muhaajiriinta kale ku hayaan Maraykanka,” sidaas ayaa lagu sheegay buugga.

October, 2017 oo ahayd todobaaddo kadib markii Trump waydiiyay wasiir Elaine Duke in ay mamnuucdo Soomaalida waxa telefoon u soo diray Stephen Miller la taliyaha siyaasadda ee Aqalka Cad oo u sheegay in ay joojiso qaxoontiga ka imanaya 11 dal oo uu ku sheegay in maamulka Maraykanku u arko in ay halis heerkeedu sarreeyo ku hayaan Maraykanka gaar ahaanna Soomaaliya laakiin, arrintaasi way diiday wasiirka amnigu sida lagu sheegay Buugga.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku caan baxay dagaalka uu ku hayo Xildhibaan Ilhaan Cumar oo uu gaadhsiiyay in ay Soomaaliya ku noqoto.
Source: Book: Trump raged against refugees from Somalia in private meeting

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.