Buuba Oo Naqdiyay Heshiiska Dekedda Ee DP World

0
“Dr Abiy Waa Nin Garanaya Siyaabaha Cul Culus Ee Somaliland Iyo Itoobiya Iskugu Xidhan Yihiin,” Prof Buuba

Buuba Oo Naqdiyay Heshiiska Dekedda Ee DP World

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buuba oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxa uu dhalliilay saamiga Somaliland ku leedahay maamulka dekedda Berbera. Waxa uu sheegay in shirkadda aqlabiyadda maamulka leh ee Dp World sida ay doonto ka yeeli karto dekedda, islamarkaana saamigeeda ka iibin karto dawladda Israel maaddaama ay Itoobiya ka iibisay.

“Aniga iyo xisbiga Waddani ra’yi ayaanu ka lahayn heshiiska DP World lala galay. Waxaanu u arkaynay saamiga la siiyay Somaliland in aanu ahayn mid sax ah oo uu yar yahay. Berbera sida aan hore u sheegay qiimo weyn bay ku fadhida;sideedabana waxyaabaha sidaas oo kale ah ee ay ku xidhan tahay siyaasadda madaxbannaanida iyo dhaqaalaha Waddanku marka saamigeeda la qaybsanayo Somaliland in ay 51% ka yaraysato maaha,” Sidaas ayuu yidhi Mr Buuba.

Dawladda Somaliland, dawladda Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa isku darsanaya shirkad wada maamusha dekedda Berbera waxaanu saamigoodu kala yahay 30%, 19% iyo 51% sida ay isugu xigaan waxaana aqlabiyadda codka mar kasta leh shirkadda DP World.

Buuba ayaa arrintan sii sharraxay “Marka guddida sare fadhiisanayso ee arrimaha laga wada hadlayo haddii cid kale leedahay aqlabiyadda dee waxay doonan ayay ka yeeli karaan,” Sidaas ayuu yidhi isaga oo intaasi raaciyay “Kolkii horeba anaga oo qawadsanayn in Somaliland yeelato 35% DP Worldna 65%, haddii maantana la yidhaahdo DP World ayaa saamiga ka iibisay Itoobiya, barrito in ay ka iibiso Isra’iil maxaa u diidaya? Sababtoo ah aqlabiyaddii way haysata. Anagu waxaanu u aragna saamiga dekedda Berbera ku lug leh waa in Somaliland yeelato ugu yaraan 51%.”

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.