Burundi Oo Diidan In Ciidankeeda Kala Baxdo Somalia

0
Burundi Oo Diidan In Ciidankeeda Kala Baxdo Somalia

Burundi Oo Diidan In Ciidankeeda Kala Baxdo Somalia
Midawga Afrika ayaa sanadkii 2017 asteeyay in kun askari oo ka mid ah ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya ka baxaan bishan February kuwaas oo hormuud u noqonaya hannaan ciidamada Afrikaanka ah dib loogaga saarayo Soomaaliya si ciidamada Soomaaliya ula wareegaan ammaanka.

Burundi waxa Soomaaliya ka jooga ciidamo ka badan shan kun waana dalka labaad ee ciidamada ugu badan ka joogaan waxaana ka horaysa Uganda oo ciidamadeedu lix kun ka badan yihiin.

Saddexdii biloodba waxay Burundi ciidamada awgeed Midawga Afrika ka hesha lacag dhan 18 Milyan, waxaanay ciidamadeedu mushahar u qaataan askarigiiba kun dollar lacag ka badan ($1,028) waxaana laga jara lacag maamul oo 200 doolar ah.

Madaxweynaha Burundi oo go’aanka ciidamadiisa lagu saarayo diidan ayaa ka hor dhammaadka bishan kulan la qaatay madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waxaanu doonaya in go’aankii Midawga Afrika laga noqdo. Isaga oo ku doodaya in aanay arrintan ku faraxsanayn Burundi iyo Soomaaliya toona.
Burundi Oo Diidan In Ciidankeeda Kala Baxdo Somalia
Madaxweynaha Burundi ayaa aamminsan in ay cid walba dan ugu jirto go’aanka ciidamadiisa lagu saarayo oo laga noqdo “Waxaanu ka wada hadalnay (Farmaajo) doorka ciidamada Burundi ee Soomaaliya jooga sidii ay si adag ugu shaqayn lahaayeen si ay dalkaas u nabadeeyaan. Go’aankii guddida ammaanka ee Midawga Afrika kuma faraxsana Burundi. Labada dal (Somalia iyo Burundi) waxay hadda ku baaqayaan kulan degdeg ah oo ay yeeshaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kaas oo la rajaynayo in dib loogu eego go’aankii sidaas oo faa’iido u ah dhammaan dhinacyada,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Burundi Nkurunziza.
Xogo Ku Saabsan Bookhashada Farmaajo Ee Burundi
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ammaanay doorka ciidamada Burundi ka qaataan ammaanka Soomaaliya waxaanu sheegay in ay tahay kaalmo taariikhi ah oo reer Burundi u kaydsan laakiin, dadka siyaasadda iyo arrimaha bani’aadanimada odorosa ayaa ku doodaya in Burundi dhiigga ciidamadeeda lacag waydaarsanayso waxaana lagu qiyaasa in kun askari Burundi kaga dhimatay Soomaaliya.
XIGASHO lIFAAQA HOOSE EE DW..
Burundi rejects AU’s troop pullout decision
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.