Budhcad Badeed Somali Ah Oo Afduubey Dooni Kale Oo Ganacsi Iyo Dalka Laga Leeyahay .

0

Garoowe (Sayruuq)- Wararka aanu ka helayno xeebaha dalka Somaliya waxaa ay sheegayaan in kooxaha burcad badeeda Soomaali ahi ay doon nooca ganacsiga ah kasoo afduubtay marin biyoodka mashquulka badan ee dalka Yemen.

Image result for Budhcad Badeed

Waxaana sidaas ku daabacdey Website keeda Hay’adda Ganacsiga iyo ilaalinta Badaha ee dowladda Ingiriiska isla markaana sheegtay in ay heleen warbixin muujineysa in doon badda dhex fadhida ay hareereeyen kooxo burcad badeed ah.

Dhinaca kale warbixin, ayaa muujisay in kooxda burcad badeeda ay afduubteen doon uu ka dul babanayo calanka “Tuvalu”.

Afhayeenka taliyaha howlgalka midowga yurub ee la dagaalanka kooxaha burcad badeed Soomaalidda, ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaano ku aadan jiritaanka afduubka.

Bilowgii bishan, Burcad-baddeeda waxay Dooni ay la socdeen 11 Badmaaxiin u dhalatay dalka Hindiya ka soo qafaasheen inta u dhexeysa Jesiiradda Sokhorta iyo Xeebta Somalia.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.