“BUDGET 2015 : $ 39.5 MILLION : KHASNADA MADOW “ EE WASIIR XIRSI MAAMULO.”Hoodo Yuusuf

0

Waxa jirta  xisaab  laga  maamulo “MADAXTOOYADA” oo rasmi ahaan loo yaqaano  “ KHASNADA GUUD EE QARANKA- SUBHEAD 152”. Odoroska 2015 waxa loo qoondeeyay  $ 39.5 Million(( SHL 236 Billion) .Wasiir Samaale wuxuu mas’ool ka yahay  uruurinta  ( CollectIion )). Guddoomiyaha Bangiga  Dhexe  wuxuu u xilsaaranyahay  yahay kaydinta ( Custodian). Wasiir Xirsi  wuxuu maso’ol ka yahay  bixinta ( Disbursement). Madaxweynahu  go’aminta ayuu leeyahay.Hanti Dhawraha  Guud  ma  laha awood uu ku baadho.   Distoorku wuxu siiyay Golaha Wakiilada awood  daba gal iyo la xisaabtan,laakinse waajibkaas ma gutaan. Waa la aamusiiyay.

 

 

KHASNADA GUUD       SUB-HEAD 152-

 

 

2014-

 

2015

 

Increase/korodh

 

%

 

 

US $ 27.5 Million

 

US $ 39.5 Million

 

US 11.8 Million

 

43%

 

 

SHL 165 Billion

 

SHL 236 BILLION

 

SHL 71 Billion

 

43%

Xigasho : Budget 2015/ Exchange rate   SHL 6,000

 

KHASNADA  MADOW oo loogu tallo galay   $ 39.5 Million  ,waxay    u dhigmaa  16%   Budgetka guud ee Somaliland “$ 251 Million”.  Sanadka  2015 waxa la kordhiyay $ 11.8 Million una dhiganta i.e 43% . Waxay ka badantahay budgetka Ciidanka Qaranka oo dhan    US $ 30 Million (( SHL 180 Billion )) .  Hadaba, waxa mudan in lays waydiiyo, halka ay lacagtaasi kasoo xerooto iyo  sida ay u baxdo:

 

  1. HALKA AY KASOO HOYATO (( SOURCES OF FUNDS )).  Waxa ka mid ah : lacagaha  laga qaado shirkadaha shidaalka &  Macadan baadha    (( Royalties)); lacagaha  sida tooska loogu caawiyo shacabka  Somaliland (( Direct Foreign grants));  Xaraashka & iibinta  hanitada guud ee qaranka “ ; Qayb ka mid ah cashuurta Dekedda  Berbera , bacadlayaasha  iyo wadhatada suuqa “ WAHEEN”

hoodo

  1. HALKA AY KU BAXDO(( USES OF FUNDS))

 

Waa lacagta  ku baxda kala xadka  xildhibaanada Golaha Wakiilada;  Casho gaynta   dhalinyarada  Jaamcadaha ka qalin-jebisa;  Duqayda iyo madax- dhaqameedka la fadhiisiyo TVga Qaranka  ; Xafladaha lagu maaweeliyo  Marwooyinka Mudan ‘Ladies of high esteem “.Waa lacagta  lagu aamusiisay siyaasiyeen iyo  salaadiin bulshada ku lahayd qadarin iyo maamuus,laakinse maanta cudkooda hoos u dhigay.Waa lacagta guryaha looga dhisay qaar ka mid ah  Hogaamiyaasha  saddedxa Xisbiyada qaran   “ Siduu Faisal sheegay”.  Waa lacagta ku baxda safarada “Travel”   , sacabka sagootinta iyo soo  dhawaynta  ; Waa lacagta ku baxda  dhagax-dhiga mashruucyada madalayska; Waa lacagta ku baxda rinjiyaynta iyo nuuradaynta xafiisyada ;Waa lacagta loogu tallo galay  iibsiga codadka  –  2015 Election.; Waa khasnadda Madow ee lagac baxday “ BOOBA YA WADDANI”. Danyarta, bacadlayaasha iyo bulshawaynta Somaliland  way soo jeedaan, way la socdaan ,  waqtigeedana way la  sugayaan.ABWAAN HADRAAWI, wuxuu beri hore yidhi:

 

LACAG AAN DUR WADAN0 ;

 

LABA DAABAC SIDATIYO;

 

HANTI AAN DAL DHEER IYO

 

LAGA KEENIN DIBEDAHA;

 

DUCO WAALID SOO HAYNIN;

 

CARSHIGANA KASOO DEGIN;

 

DEEQDAA LA YAABKA LEH;

 

NINKA WEEL DARSANAYEE;

 

DIGASHADA SABOOLKIYO;

 

KU DARSADAY BADHAAHDAHA;

 

GODOBTIISU DEDANADA;

 

DOQONIIMO WAA KOW.

 

 

 

 

 

Hoodo Yusuf,london

 

Yhoodo@ yahoo.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.