Bridgka Magaaladda Hargeisa Oo Wadaadiisi Burburtay +Mogaananta Dowlada Hoose Iyo Dhawaaqa Shacabka!

0

Sayruuq(Hargeisa) Bridge ka caasimada Somaliland Ee hargaysa ayaa dayacaanan fara badan ka muuqato ,taaso wadada isku xidha magaaladda labadeeda Daamood ay khatar ugu sugantahay in la dhooba qaado .

Wadadan oo ah ta bilicda u ah magaalada oo toos u tagta gagada diyaaradaha ee Cigaal ayaa markaad soo martaba waxaad arkaysa gaadhi ruquntu ugu baxday iyo saxmad aan hore loo arag taaso ayay sababeen dayctir la`aan ku habstay wadadan ,godadka ,jeexjeex iyo ciid tandhaaf ah ayey ishaadu ku dhacaysa .

Geesta kale Dowladda Hoose Hargeisa ayaa tan iyo dabayaaqadii 2011kii ahaa qaar aan ka soo bixin shaqooyinkii loo soo doortay , waxaanay aheyd markii uu maayirku ka soo guryo noqday caasimadda wadadii uu soo maray isagoo ku faanaya inuu keenay maayiro wadamda caalamka ka yimi ,balse waxaa ilduufay in wadooyinkii caasimaddu baylah weyn ka taagantahay .

Hadaba Bridge ka hargeisa ayaa intii Somaliland jirtay wali duruufa noocan oo kale ahi la soo darsin taaso waxgaradka iyo baayacmushtarka iyo wadayaasha gaadiidku cabasho xoog leh ka soo muujiyeen ,isla markaan wali kamay jawaab celin xildhibaanadii loo soo dortay shaqadani .

Hargeisa /Somaliland

Sayruuq.com

Desk News

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.