Boqorka Sucuudiga Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Dawladiisa

0

Riyaad(Sayruuq)-Boqorka cusub ee Sacuudiga ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirada iyo hogaanka sare ee Hay’addaha amniga.

Boqor Salman bin Abdulaziz oo xilka haya mudo todobaad keliya ayaa bedelay Taliyihii Sirdoonka iyo madaxii Guddiga amniga qaranka, balse Wasiirada Difaaca, Shidaalka iyo arrimaha dibadda ayaa xilalkoodi kusoo laabtay.

Duqa magaalada Makkah iyo magaalada caasimadda Riyaad ayaa la bedelay, waxaana sidoo kale uu isbedel ku sameeyay hogaanka sare ee Hay’addaha Culimaa’udinka.

Dhinaca kale Boqorka ayaa sidoo kale lacago dheeraad ah ugu kordhiyey shaqaalaha boqortooyadan iyo milateriga, si lamid ah ardeyda iyo dadka howlgabka ah.

Waa talaabadii u horeysay uu ku dhaqaaqo Boqorka cusub ee Sacuudiga oo markii uu xukunka boqortooyada la wareegay sheegay in uusan ka weecan doonin sharciyada soo jireenka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.