Boqor Buurmadow xadka ama dhinaca Garoowe ayuu ka soo galaya

0

W/Q Cali Guray
Boqor Cismaan Buurmadow khilaafka doorashooyinka ee Somalilandba ku qaybsan tahay horta isku mawqif ayaanu ka nahay oo Doorashada Madaxtooyada ayaa soo horaysa ayuu qabaa aniguna waan la qabaa. Hogaaminta Muuse Biixi wuu saluugsan yahay halkaa lafteeda waanu ka midaysan nahay oo wuu dhaliilaa aniguna waan dhaliilaa. Ha yeeshee xaga hadalka eray doorashada waa qofba gaarkii. Erayga “saqajaan” uu ku sheegay madaxwayne Biixi ayaa carrabka lagu dhejinayaa oo maadaama uu hogaamiye dhaqameed yahay eray ka ladifan buu heli karayay la leeyahay. Taa lafteeda ma diidani.

Boqor Cismaan Somaliland buu u soo jeedaa waan maqlay, qasabna maaha in uu Madaarka Hargeysa isku soo qaado. Halkaa iyo Baaladhaye intuu gaadho in xadka uu ka soo geli doonana u malee. Hadaanu waan nin faro badane xagaa Garoowe inaga soo gelin

Boqorku 600 oo halaad buu leeyahay la yidhi 120 baa ka dhalay. Degaankiisii iyo dadkiisii uu boqorka u ahaana Muuse in uu ka soo dhex qaadan karo fili maayo. Wax hadal ka badan oo dembi ahna ma gelin. Hadalna hadal baa ka furan in kasta oo qayrkii hadal ku xidhan yihiin wax dacwad ahna aan lagu soo oogin. Weliba beryahan Jeelal Gebilay iyo Baki oo Hargeysa galbeed ka xiga ayaa Muuse ugu jira halkii Labaatanjirow iyo Laantabuur oo dadka siyaasadda loo xidho la geeyaa

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.