Booliska Hindiya Oo Xidhay Nin Sharabaadadiisu Buuq Ka Dhex Abuureen Bas

0

India(Sayruuq) Booliska Hindiya ayaa sheegay in ay xidheen nin sharabaadadiisa oo uraya buuq ka dhex abuureen isaga iyo rakaab bas la saarna. Booliska ayaa BBC-da u sheegay in loo soo gudbiyay dacwad ka dhan ah Prakash Kumar oo 27 jir ah kaas oo lagu eedeeyay in uu buuq ka abuuray goobaha dadweynaha.

Arrintan ayaa dhacday markii Mr Kumar iska bixiyay kabihiisa iyo sharabaadada gudaha bas ku sii jeeday caasimadda Delhi. Ur qadhmuun oo ka soo baxaysay sharabaadadiisa darted ayay rakaabku ka codsadeen Mr Kumar in uu sharabaadada tuuro ama shandadiisa ku rito laakiin waa uu diiday waxaana ka dhalatay dood kulul iyo muran.

Intaas kadib rakaabka ayaa ku khasbay darawalka Baska in uu ku leexiyo saldhig boolis oo ku yaalla gobolka Waqooyiga Hindiya ee Himachal Pradesh halkaas oo lagu qaaday dacwadda.

Sayruuqnews

Contact@Sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.