Booliska Faransiiska Oo AQoonsaday Qofkii Saddexaad Ee Fuliyay Weerarkii Ka Dhacay Tiyaatarka Bataclan.

0

Booliska Faransiiska ayaa aqoonsaday qof saddexaad oo fuliyay weerarkii dadka faraha badan ku dhinteen bishii la soo dhaafay ee lagu qaaday magaalada Paris. Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Manule Valls ayaa sheegay in booliska ay garteen qof saddexaad oo ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday xarunta Tiyaatarka ee Bataclan. Foued Mohamed Aggad oo 23 jir ah ayaa ka mid ahaa sadexdii nin ee weerartay Tiyaatarka Bataclan oo ay ka socotay bandhig faneed ay dhigayeen koox fanaaniin ah oo u dhashay Mareykanka.

Foued

Waxaa la sheegay in sanadkii 2013 uu u safray dalka Suuriya isaga, walaalkii iyo koox kale oo dhalinyaro ka tagay magaalada Strasbourg ee dalka Faransiiska. Booliska ayaa la sheegay inay aqoonsadeen markii dhiiga DNA laga qaaday xubno ka mid ah eheladiisa, taasna ay sahashay in la aqoonsado. Illaa 90-ruux ayaa ku dhintay weerarkaas oo dhacay 13-kii bishii hore ee November, waxaana saddexda ruux ee fuliyay weerarka ay ahaayeen kuwo xirnaa suumanka qarxa, isl markaana gebi ahaantood is qarxiyay.
Saddexda ruux ee weerarka fuliyay Tiyaatarka Bataclan ayaa dhamaantood ahaa muwaadiniin Faransiis ah, sida ay xaqiijiyeen Booliska. Omar Ismail Mostefai oo 29 iyo Samy Amimour oo 28-jir ahaa ayaa ahaa dadkii u horeeyay ee la aqoonsaday .
Abdelhamid Abaaoud oo ahaa ninkii abaabulay weeraradaas ayaa la dilay shan maalmood kadib weeraradii Paris, markii Ciidamada Booliska ay ugu dhaceen guriga uu ka degenaa duleedka Paris.
Goor sii horeysay ayaa waxaa la shaaciyay in Abaaoud uu ka baxsaday isku day la doonayay in lagu soo xiro bishii Janaayo, isagoo ku sugnaa magaalada Athens ee dalka Greece. Weeraradii Paris lagu qaaday ayaa waxaa ku dhintay 130-ruux oo lagu dilay goobo kala duwan, waxaana uu ahaa dhimashadii ugu badneyd ee Faransiiska soo marta tan iyo dagaalkii labaad ee Adduunka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.