Bogga Gaarka Ee Trump uu Twitterka Uu Ku leeyahay Oo Si kadis Ah “Hawada Looga Saaray”.

0

Washington (Sayruuq)-Boggi madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku leeyahay Twitter-ka ayaa si kooban hawada looga saaray Khamiistii shalay , laakiin intaas ka dib hawada ayuu dib ugu soo laabtay, sida ay sheegtay shirkada leh Twitter oo ah bar  ay bulshadu ku wadda xidhiidho .

Twitter waxay sheegtay in ciwaanka @realdonaldtrump hawada looga saaray si aan ula kac ahayn, ayna ahayd khalad banii’aadan oo ka dhacay qof u shaqeeya Twitterka.Bogga gaarka ah ee  madaxweynaha ayaa hawada ka maqnaa 11 daqiiqo, Twitterka ayaana hadda baadhitaan wada.

Madaxweyne Trump ayaa aad u isticmaala Twitterka waxaana qoraaladda kookooban ee uu soo dhigo bartiisa  ku xidhan 41.7 milyan oo qof , ilaa hadda kamuu hadal Trump dhacdadan ,Dadkii booqday ciwaanka madaxwaynaha fiidnimadii Khamiista shalay  wakhti kooban waxay arki kareen fariin odhanaysa “ciwaankaas ma jiro!”.

Ciwaanka markii uu dib u shaqeeyay Trump wuxuu markii u horaysay soo dhigay qorshaha xisbiga jamhuurigu uu ku doonayo in uu ku dhimo canshuurta,Ciwaanka kale ee uu ku leeyahay boggan ee  @POTUS, ayaa ah midka rasmiga ah ee madaxweynaha Maraykanka.

Trump wuxuu Twitterka ku soo biiray bishii Maarso ee 2009kii,Intaa wixii ka dambeeyayna si joogto ah ayuu u iisticmaali jiray si uu ugu faafiyo afkaarihiisa, sidoo kale wuxuu ku weerarayay dadka ka soo horjeeday intii ay socotay ol’olihii doorashada ee 2016kii iyo intii uu xilka la wareegay bishii Janaayo.

Trump ayaa bogiisan ku soo bandhiga afkaar aad u qalafsan oo mararka qaarna is jiidha si dublamaasiyadda ka baxsana u qora ,waxaana lagu xasuusta qoraaladiisa dhacdooyiinkii khaliijka oo dowladda Qadar ku sheegay mid taageerta xagjirnimadda .

Sayruuq News

Xafiiska Hargeysa

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.