Bogcad Danguuda oo ku taala Xaafada Shacabka oo uu mulkiyey Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa+Sawirro

0

Hargeisa(Sayruuq)-Sida Ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Qarannews Bogcad Danguuda oo Jihada ama Dhinaca Bari kaga soo jeeda School of Tomorrow oo ku yaala Xaafada Shacabka ayaa waxaa mulkiyey oo Deyr weyn ku wareejiyey Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahin Siyaad Yoonis.

Bogcadan oo ka mida Dhul (Guryo) ay leedahay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa waxaa la sheegay inay in muddo ahba si Tambareeri ah u deganayeen Qoys,Halkaas ay uga dhisnayd Jingad ama Sandaqadi.Bogcadan oo cabirkeedu lagu qiyaasey ilaa laba Baloodh ayaa la sheegay inuu Maareeye Ibraahin Yoonis ka iibsadey Qoyskii deganaa,Dhawaana uu ku wareejiyey Deyr balaadhan iyadoo uu waardiyena dejiyey.

somcable 015

 

 

Bogcadan ayaa la sheegay inuu Maareeyuhu siistay lacag  Xaqul-qalin u badan oo uu ka helay Mashaariic lagu caawiyey Wakaalada Biyaha Hargeysa oo qaarkood la musumaasuqay siiba Mashaariic iyo lacagayow ay  wakaalada Biyaha Hargeysa  ku tabaruceen Midowga Yurub (EU) iyo Hayado kaleba. Musumaasuqa iyo Wax-isdabamarinta Mashaariicdaa ayaa la sheegay inay kula jireen Maareyaha ama ku  lug lahaayeen Wasiirka hore ee Macdanta iyo Biyaha, Haatana ah wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan.

somcable 013

Taa ka sekow, inkastoo Wakaalada Biyaha Hargeysa ku tiirsan tahay lacagayow iyo Mashaariic doora oo ay ka hesho Hayadaha Samafalka marka laga tago dakhliga ay shacabka ka ururiso ayaa haddana marba marka ka danbaysa waxa sii yaraada ama isdhima xadiga biyaha ee ay siiso ama soo gaadhsiiso Caasimada Hargeysa Xaafado ka mida oo kaltan u gala Biyaha,Taa bedelkeedana ma jiraan wax dabagala oo lagu sameeyo Mashaariicdaa iyo lacagyowga lagu deeqo wakaalada Biyaha Hargeysa,Halkay ku baxaan iyo siday u baxaan toona.

Ku darsoo Wakaalada Biyaha Hargeysa ayaa ka mid ah goobaha ka caagan Noocyada kala duwan warbaahinta amaba socodkoodu ku yar yahay taas darteedna aan xog dhaba laga hayn waxa ka socda.

somcable 011

 

Sayruuqnews

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.