Bilicada Caasimada Hargeysa Iyo Hadhaaga Caagadda Mooya-Saxada.By:Mawliid Maxamed

0

Qul-Acuudu Bilaahi            Idaajaa Nasru-Laahi,

Al-Raxmaan Iyo Qaaf Iyo     Alif-Laamra Sirteediyo

Waxaan Maanta Alhaakum Ilhaamka Uga Bilaabay

Hadraawow Indhaweydba Sidaydii Ma Ahaynoo

Waxaan Ahay Nin Arkaaya   Waxaan Uunku U Jeedin

Oo Kaligii Anfariirsan.

Eebow qabriga u nuur Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)

Intaa haddaan halkaa ku soo dhaafo waxaan maanta qalinka u qaatay innaan bal waxyar ka idhaahdo waxa kala haysta bilicda magaaladda Hargeysa iyo hadhaaga caagaddaha biyaha laga cabo ee looyaqaan (Mooyasaxadda).

Awalkii hore geedkasta iyo giddaar kasta oo aad agmarto waxaad arki jirtay bac kasii lullata oo dabayshu hadba dhinac u wadhfinayso, hadda waxa badalay caaggada biyaha laga cabo ee loo yaqaano (Mooyasaxadda) taasoo meelkasta oo aad marto aad ku arkayso iyadoo sida daadka ku ah.

Wax kale daayo waxay daadsan tahay illaa laamiga baabuurtu marto dhinacyadooda, luuqyadda iyo waddooyinka xaafaddaha  dhex marana hadalkoodaba daa. Bac miikadu waabay dhamaan jirtay aakhirka sidday geedka uga lu lato ama gudaafadda u taalo, laakiin bahashan caaggadu waa wax aan ciidina wax yeelahayn dabayl xagaana qaadahayn si kalana u dhamaanahayn waligeed halkaasay oolaysaa oo ciida uunbay dul saarnaanaysa.

Caagaddaasi meelaha ay dhibaatada ku haysaa maaha magaalada Hargeysa oo qudha, dhamaan magaaloyinka iyo tuuloyinka dalka oo dhami waa wax ay kala simanyihiin. Marmar baan is waydiiyaa hargeisa oo dawladedda hoose la odhan karo way ka qalab iyo shaqaalaba badan tahay kuwa gobolada kale iyo degmoyinkaba ayaad arkaysaa siday caagaddan qashinkeedu dariiqyada u buux dhaafiyaye tolow magaaloyinka iyo degmoyinka kalana waa siddee?????

Haddaba maxaa sababay in qashinka caagaddaasi sida quruuruxa dariiqkasta buux dhaafiso? Marka labaad siddee looga hortagi karaa ama loo xakamayn karaa?

 

 

Halkaa markaan qoraalka marrinayo akhriste jawaabta maskaxdaada kusoo dagdagaysaa waxay noqonaysaa , dhaliil aad markaba dusha uga tuurayso maamulka dawladda hoose ee  magaaaladdaas ama degmadaas.

Waa dhab dhaliisha badhbay ku leeyihiin laakiin eeda koowaad cidda iska lihi waa addiga akhriste ama muwaadin. Waa adiga cida ay tahay innaad illaaliso bilicda deegaanka haddba aad ku nooshahay, waa addiga cida ay tahay inaad u meel daydo caagadda marka aad biyaha ka cabto, inaad la raadiso meel ku haboon oo qashin qub ah, waa addiga cidda ay tahay innaad farto hadba cidda kaa agdhaw ee agabka ay wax ku cabaan dariiqa ku tuuraya.

Intaasoo dhan markaad addigu samayso dawladda hoose markaa waxa la gudboon oo looga fadhiyaa innay diyaariso qalabka qashinka lagu riddo ee wadadda hareeraheda, suuqyadda, meelaha bulshadu ku kulanto, Dugsiyadda, jaamacaddaha iyo meheradaha ganacsiga ay dhigto markay buuxsamana subuxii gawaadhi ku gurto.

Hadda waxaaba jirra shirkado private ah oo qashinka gurra laakin wali may dhaadin dhibaatadda iyo fool xumada caaggadasi dalka ku hayso waxa kaliya ay guraan waa qashinka xaafaddaha iyo suuqyadda waawayn kuwaasabay la itaal daranyihiin.

Waxa qudha ee looga hortagi karaa waxay tahay (GACMO WADA JIRBAY WAX KU GOOYAAN) dadka oo la fahamsiiyo lagu celceliyo loo balbalaadhiyo foolxumada iyo bilicdarada bahashaasi dalka ku hayso. Iskaashi balaadhan oo lala yeesho shirkadaha qashinka qaadda iyo dawladda hoose, wacyigalin badan oo dadka lagu wacyigaliyo inay meesha ku haboon dhigaan markay biyaha ka cabaan, ugu danbayn shirkadaha biyaha soo saara laftooda oo lagu ganaaxo inay qayb ka noqdaan ollolaha lagu cidhibtirayo qashinka caagadan ay iyagu sababteeda lahaayeen.

Waxba haddalku yuu illa durkine waxaan ku soo duubay

Qofkastoow deegaanka aad ku nooshahay bilicdiisa ku dadaal oo ha dayicin.

Mawliid Maxamed: mawliid011@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.