Berbera Oo Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Wareejinta Warshadda Laydhka Dowladda Ee Berbera.

0

Berbera(Sayruuq) -Banaanbax lagaga soo horjeedo Wareejinta Warshadda Laydhka Dawladda ee Berbera ayaa maanta ka dhacay Magaalada Berbera. Dadweyne ka cadhaysan qorshaha socda ee Xukumaddu ku wareejinayso Warshadda ayaa laga iskugu soo baxay iyadoo dadku Taayaro ku gubeen badhtahama Magaalada.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi CabDdi Bidaar, ayaa Idaacadda BBC-da u sheegay inuu Mudaharaadku ahaa mid sahlan oo aan gaysan wax khasaare ah, markii dambena uu iska dhamaaday.

Booliska ayaa Rasaas ku kala dareeriyay Bulshada ka cabanaysay in Warshadda Laydhka Dawladda ee Berbera lagu wareejiyo shirkad gaar loo leeyahay. Qorshahan ayaa muddooyinkii u dambeeyay laga dareemayay Magaalada Berbera in Xukumaddu damacsan tahay inay ganacsato ku wareejiso Warshadaasi oo noqonaysa tii ugu dambeysay ee Xukumaddu gacanta ku haysay.

Xukumadda ayaa dhawaan ganacsato ku wareejisay Warshaddii Laydhka Dawladda Hargeysa, taasi oo hadda wixii ku dambeeya ay maamulayaan ilaa saddex Ganacsade oo reer Somaliland ah, arrintaasi oo bulshadu walaac ka muujisay, mucaaradkuna xukumadda ku dhaliilay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.