Berbera Oo Lagu Soo Dhaweeyay Qoxooti Badhkood Somaliland U Dhasheen Oo Yemen Ka Soo Qaxay Iyo Cisbitaallada Berbera & Boosaaso Oo La Dhigay Haween Badda Ku Soo Umulay.

0

Berbera(Sayruuq) – Dekedda magaalada Boosaaso waxaa ku soo xidhatay shalay doonni sidday qaxooti Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka soo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, isla markaana dib ugu soo laabtay dalkooda. Waxayna gaadhayaan qaxootiga dib ugu soo laabtay Soomaaliya 260 qof oo isugu jiray dumar, rag, carruur iyo dad da’ah.

Qaarkood waxaa lagu waday gawaadhida loogu tala galay dadka curyaamiinta ah, halka qaarkood ay qabeen xanuuno kale duwan.

Maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, ganacsato, dhalinyaro, haween, saraakiisha amniga Puntland, xildhibaano, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland iyo qaar ka mid ah hay’adaha ka hawl gala gobalka Bari ayaa ku soo dhaweeyey dadkaasi magaalada.

Biyo, cunto iyo daawo ayaa markii ay ka soo degeen doonta la siiyey shacabkaasi Soomaaliyeed ee soo qaxay.

Qaarkood waxaa la geeyey xarumaha caafimaadka ee magalaada si xaaladooda caafimaad lagula tacaalo, halka kuwa kale la dejiyey goobo loogo tala galay ilaa laga gaadhsiinayo gobalada ay markii hore ka qaxeen ee Soomaaliya.

Dumar ka mid ahaa dadka ka soo cararay Yemen ee soo gaadhay Bosaso ayaa ku soo dhex umulay doonida intii lagu soo jiray safarka, iyada oo dadka qaarkood ay ka soo qaxeen Magaalada Mukalah ee dalka Yemen ayey ka soo qaxeen shacabkaasi.

Duqa degmada Bosaso Xasan Cabdalla Xasan oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekadda Bosaso ayaa sheegay in doonidan ay ahayd dooni siday qaxootigii ugu badnaa ee soo gaadha Puntland, isla markaana si wanaagsan loogu soo dhaweeyey magaalada.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob deero oo sidoo kale la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in Puntland ay horey u soo gaadheen 420 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah, halka shalay ay qaabileen 260 qof, isla markaana kuwa kale la filayo in ay soo gaadhaan magaalada.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan guddi heer qaran ah u xil saartay soo dhaweenta qaxootiga dib ugu soo laabanaya dalkooda.

Dhanka kale, Magaalada Berbera ayaa habeen hore saqdii dhexe lagu soo dhaweeyay qoxooti dhan 174 qof oo iskugu jira Yemeniyiin, Soomaali iyo Itoobiyaan ka soo qaxay dagaallada Yemen ka socda, kuwaasi oo uu soo qaadey Markab weyn oo kuwa xamuulka qaada ah.

Maareeyaha dekedda Berbera oo ka hadlay soo dhaweynta Qoxootigan tabaaleysan, ayaa sheegay “Waxa noo yimid qoxootigii u horeeyay ee naga soo gaadha dalka Yemen, si caafimaad qabta ayaanu u soo dhaweynay qoxootiga, waana 174 qof” ayuu yidhi, Maareeyaha Dekedda Magaalada Berbera, Cali Xoor Xoor.

Qoxootigan oo qaarkood xanuunsanayeen markii ay soo gaadheen dekedda Berbera, ayaa la gaadhsiiyey Cisbitaalka guud ee Magaalada Berbera “Wasaaradda Caafimaadku saddex qof oo dumar ah ayay u gudbisay Cisbitaalka guud ee Berbera, Xaaladdooduna way fiican tahay” sidaa waxa sheegay Masuul u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Saaxil.

Dadka qoxootiga ah ayaa waxa ku jiray dad reer Somaliland ah, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland “Dadka reer Somaliland ee soo noqday dad iskood u soo noqday maaha ee waa dad colaad ka soo qaxay” ayuu yidhi, Agaasimaha guud ee Dib-u-dejinta Somaliland.

Lama oga tirada saxda ah ee qoxootiga Somaliland u dhashay, laakiin qoxootiga Soomaalida ee la socda dadka reer Yemen ayaa tiradoodu tahay 61 qof, kuwaasi oo qaarkood reer Koonfureed yihiin.

Somaliland ayaa Magaalada Berbera ka diyaarisay goobo loogu talo-galay in lagu soo dhaweeyo qoxootiga Yemen, goobahaasi oo ay diyaarintooda la kaashatay hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.