“Berbera Nimanka Leh Waanu Ka Talina Ma Iman Karaan,” Madaxweyne Biixi

0
“Berbera Nimanka Leh Waanu Ka Talina Ma Iman Karaan,” Madaxweyne Biixi

“Berbera Nimanka Leh Waanu Ka Talina Ma Iman Karaan,” Madaxweyne Biixi

Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay madaxda Soomaaliya ee diidan heshiiska dekedda Berbera iman karin Somaliland ama Berbera, islamarkaana aanay awoodin in ay ka taliyaan aayaheeda. Waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay agaasimaha telefishanka Horn Cable.

“Berbera nimanka leh annagaa xukuna ma iman-karaan adigaan ku waydiinayayee talo ay ka taliyaan iskadaayee ma iman karaan, haddii ay iman-karaan oo cirkeeda iyo Baddeeda ay soo mari karaan ha kataliyaan,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi oo faahfaahinta waraysigiisan aad halkan kala socon doontan.

“Berbera Nimanka Leh Waanu Ka Talina Ma Iman Karaan,” Madaxweyne Biixi

Masuuliyiinta ugu saraysa Soomaaliya ee Ra’isal wasaare Khayre iyo madaxweyne Farmaajo ayaa heshiiska Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ku horumarinayaan dekedda Berbera ku tilmaamay faro gelin lagu sameeyay waxay ugu yeedheen Qarannimada Soomaaliya taas oo gobolka ka abuuri karta xulufooyin iska soo horjeeda sida ay sheegayaan dadka falanqeeya siyaasadda Geeska Afrika iyo Khaliijka Carabta.

“Berbera Nimanka Leh Waanu Ka Talina Ma Iman Karaan,” Madaxweyne Biixi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.