Beesha Caalamku Waa Ayo? Mohamed Hagi

0

BEESHA CAALAMKU WAA’AYO?

Reer Somaliland inta siyaasadda wax ka tidhaa ee xiisaha u haysa waxa aad inta badan ka maqlaysaa erayga beesha caalamka (International community). Laakiin marka aad sii wayddiiso cidda ay beesha caalamku tahay waxa kuu soo baxaysa in dadkaasi aaney si wanaagsan u daraasadayn waxa ay tahay beesha caalamku!

Haddaba aan in yar ka binniixiyo labadan eray ee dadkeenna iyo dadyow kale oo dunida dhaqaalaheedu hooseeyo ku nooli maskaxiyan u qabatimeen. Si aynnu si wanaagsan ugu fahamno marka hore aan su’aalahan soo hormarinno;

Beesha caalamku marka hore waa’ayo? Ma urur caalami ah baa? Goorma ayaa la aas aasay? Halkee ayaa loo gu hagaagaa? Xafiis ma leedahay? Waa maxay ujeeddadeedu? Siyaasad caynkee ah ayey ku shaqaysaa? Waa maxay sababta ay dalalka fiqiirka ah, kuwa colaaduhu ka socdaan, iyo guud ahaan dalalka aan quwad dhaqaale iyo mid ciidan aan u horumarsaneyni ay u ugu hadraan erayga beesha caalamka iyaga oo isku xiniinyo taabanaya?

Marka hore su’aalahan aan si fudud oo aad u koobkooban u ga jawaabo;

Marka si dhab ah loo daraasadeeyo ee xaqiiqada gunteeda la soo taabto cidda ay tahay beesha caalamku waxa si run ah kuu gu soo baxaya in beesha caalamku aaney ahayn cid rasmi ah (official), laakiin loo la jeedo dalal gaar ah oo ka kooban Midowga Yurub, New Zealand, Australia, UK & Waqooyiga Maraykanka.

Beesha caalamku ma laha xafiis, ma laha siyaasad qoran iyo qorshayaal ay ku hawl gasho. Ma jirto meel la gu aas aasay, magacana cid gaar ah ayaa isku bixisay. Ma jirto meel loo gu hagaago oo kulan la gu la yeesho ama farriin loo gu hagaajiyo oo warku ugu dhaco. Marka la ga reebo waraaq inta u dhexaysa 8 – 33 waddan ay ku saxeexan yihiin oo edbin iyo digniin ah oo si wadajir ah u ga soo baxda kuna socota dal fiqiir ah, itaal-daran oo ay doorashooyin ka qalloocdeen, xaquuqal insaanka waxyeelay ama dagaallo ka socdaan oo dhibi ka taagan tahay.

Dalalkan sita magaca ummadaha adduunka, ee sida tooska ah u qaatay masuuliyadda ummadaha kale waa dalal dhammaantood dimuqraaddi ah, dhaqaale ahaan jeebkoodu roon yahay, aqoon ahaan cilmi sare leh gaar ahaan dhinacyada culuumta sayniska iyo tiknoolojiyada. Dalalkaas oo ah kuwo bixiya deeqaha adduunka in ka badan 90% waxa ay isku raacsan yihiin ayaa jira, sidoo kale wax ay ku kala duwan yihiin na waa ay jiraan. Waxase ay xoojiyaan oo ay ku wada socdaan inta ay ku midaysan yihiin sidaas ayaaney magaca beesha caalamku u wataan.

Inkasta oo siyaasaddoodu meelaha qaar ku kala duwan tahay, gaar ahaan meelaha ay masaalaxooda sida gaar gaarka ah ugu kala ilaashadaan, haddana waxa ay ka midaysan yihiin in cadaadis la gu saaro dalalka deeqdooda qaata in ay u hoggaansamaan saddex shay; waa ta koowaad e, in ay ku dhaqmaan dimuqraaddiyad iyo in ay suuqa xor ka dhigaan iyo in ay xorriyadda hadalka, jasmiga, ruuxda iyo fikirka ay madaxbanneeyaan. Dimuqraadiyadda ayaana ah tan xambaarsan labada xorriyadood. Sida ay ku wadaan na waa in aaney jirin dawladnimo, dhaqan iyo diini xakame u noqon karaa.

Sababta keenta in dalalka fiqiirka ah ee u badan Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Maraykan in ay sidaa u qaataan, isla markaana ku hadraan erayga beesha caalamka ayaa ogol/diiddan, tidhi i.w.m waa itaal la’aan dhaqaale, qaybsanaan bulsho, hoggaan-xumo, aqoon-darro iyo farsamo-darro. Magaca beesha caalamka iyo dalalka la baxay cidda keliya ee yeedhmadaa u aqbashay waa dalalka ku yaal qaaradaha aan kor ku xusnay badidood.

Taa cakiskeeda waxa jira dalal aan aaminsanayn erayga beesha caalamka oo aan sheegmadiisu waxba soo kordhineyn. Dalalkaa waxa ka mid ah; China , Russia, India, Iran, North Korea, Malasia, Singapore, South Africa, Philippines, Brazil, Turkey, Thailand & Indonesia. Dalalkaasi waxa ay ka koreen in siyaasaddooda arrimaha gudaha loo yeedhiyo, in loo gu hanjabo deeqda iyo sadaqada, sidoo kale waa ay adag tahay in gudahooda la kala qaybiyo oo jeesjees loo kala fadhiisiyo.

Mohamed O. Hagi Mohamoud

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.