Beesha Caalamka Oo Ka Hadashay Go’aanka Maxkamadda Sare Ee Somaliland

0

Hargeysa(Sayruuq) Waddamada isku magacaabay beesha caalamka ayaa bayaan ay soo saareen ku bogaadiyay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Isbahaysiga reer Galbeedka ayaa sheegay in ay sii wadayaan la shaqaynta Somaliland siiba dawladda cusub ee Mudane Biixi. Waddamada ayaa sheegay in Somaliland xoojisay hannaanka dimuqraadiyadda. Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa ansixisay natiijada doorashada Madaxtooyada kadib markii ay aqbaleen xisbiyada mucaaradka ah.
“Anaga oo raacayna dhawaaqa kama dambeysta ah ee Maxkamadda Sare ee doorashada Madaxtooyada Somaliland ee 2017, Bahwadaagta caalamiga ah(Bulshada Caalamka) waxay bogaadinaysa Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la doortay. Reer Somaliland iyo hay’addaha Somaliland waxay muujiyeen ka go’naansho, Masuuliyad, waxqabad hannaanka doorashada, xoojinta dimuqraadiyadda Somaliland. Beesha caalamku waxay sii wadaysa in ay si dhaw ula shaqayso Madaxweynaha cusub iyo dawladdiisa si dhammaan Somalilanders-ku u gaadhaan barwaaqo iyo nabad mustaqbalka,” Sidaas ayaa lagu yidhi bayaankan oo ay saxeexeen Waddamada kala ah Belgium, Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, The Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, United Kingdom iyo The United States Of America.

Sidoo kale Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland/ Soomaaliya Veronique Lorenzo ayaa sheegtay in ay si dhaw ula shaqaynayso dawladda cusub iyo Madaxweynaha la doortay “Midawga Yurub ee Soomaaliya waxa uu sii wadayaa la shaqaynta dawladdaada si loo horumariyo nololasha bulshada Somaliland,” Sidaas ayay tidhi Danjire Lorenzo oo hambalyo u dirtay madaxweynaha la doortay ee Somaliland.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.