Beesha Caalamka Oo Bayaan Ay Caawa Soo Saareen Kaga Digay Cawaaqib-xumadda Ka Dhalan-karta Go’aankii Mudo-kordhinta Ee Guurtida

0

Hargeysa(Sayruuq) – Beesha caalamka ayaa bayaan ay caawa kasoo saareen xafiiska dawladda UK ku leedahay magaaladda Hargeysa kaga digay cawaaqib xumadda ka dhalankarta hadii aan xal laga gaadhin go’aankii uu Golaha Guurtida Somaliland 22-ka bilood ugu kordhiyey mudo-xileedka Madaxwayne Siilaanyo, kaas oo ku ekaa 27-ka July ee sanadkan, halka ay Komishanka doorashooyinku  qabsadeen muddo hal sano ah inay doorashadda madaxtooyadda iyo Golaha Wakiiladda ku qabanayaan.

Dawladaha beesha caalamku waxay sheegeen inay si wayn uga warwarsan yihiin go’aankii Golaha Guurtida ee mudo kordhinta 22-ka b ilood ah.

 Bayaan-koodan waxay beesha caalamku ku sheegeen in guurtidu go’aankooda mudo-kordhinah gaadhay iyagoon kala tashan xisbiyada siyaasadda, taas oo ay ku tilmaameen talaabo halis-wayn ku ah geedi-socodkii iyo sharaftii dimuqraadiyadda Somaliland  isla markaana saamayn ku yeelan doonto xidhiidhkii u dhexeeyey beesha caalamka iyo Somaliland haddii aan si dhakhso ah dib loogu eegin wakhtiga la qaban doono doorashadda si looga baxo qalalaasaha hadda jira.
Sayruuq.com
Contact@sayruuq.com
Hargeysa-Somaliland 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.