Beesha Arab Oo Uu Horkacaayo Xundhurtii Hargaysa Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, Oo Bari Si Aan Kala Hadh Lahayn Xisbiga WADDANI Tageeradoodi Ugu Wareejinaaya.

0

Hargaysa(Sayruuq) Beesha weyn ee Arab, oo kamid ah Beelaha ugu tariikhda dheer uguna saamaynta badan Beelaha dega Waddanka Somaliland, ayaa barri haddi alle idmo waxay si gunta rujis ah tageeradoodi ugu wareejin doonaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI .

Saladiinta, Mujahidiinta, Abwaanada, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Fanaaniinta Saxafiyiinta iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Beesha Arab ayaa bari si midnimo dhammaystiran ah waxay maalinta Bari ah haddii alle idmo, oo noqonaysa Axad bishu tahay 16/10/2016, ay tageeradoodi ugu wareejin doonaan Xibiga WADDANI.
Go’aankan oo noqon doona mid tariikhda Somaliland gali doona, waxa hoggaaminaaya Siyaasiga lagu naanayso Xundhurtii Hargaysa Xildhibaan Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde, oo ka soo jeeda qoysaskii aasaaska u dhigay Caasimadda Somaliland.
In kasta oo uu Xildhibaan Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde hore uga mid ahaa Xisbiga WADDANI, hadana waxa keentay inuu tageerada beesha Arab wada hantiyo, kadib markii uu Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiilaahi (Cirro), cadeeyay inuu jagada Guddoomiyaha uga degaayo Cabdiqaadir Jirde.
Xaflada ay tageeradoodii beesha Arab ugu soo wareejinaayay Xisbiga WADDANI ayaa siweyn looga dareemaya Magaalada Hargaysa.
Beesha Arab, oo kamid ah Beelihii doorka lama ilaawanka ah ka soo qaatay halgankii dalka xorriyadiisa lagu soo celiyay, ahna beel saamayn ballaadhan ku leh Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hore waxay isu garab taageen Xisbiga KULMIYE oo beeshu tageeri jirtay, balse hungo iyo qadarin la’aan ay kala kulmeen markii ay tallada dalka sareen ayaa keentay inay hal mar u weeciyaan cududoodi dhinaca Xisbiga WADDANI.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.