Been La Aroosay: Ismaaciil C. Ubax

0
Been La Aroosay: Ismaaciil C. Ubax

Been La Aroosay: Ismaaciil C. Ubax

Caadi ahaan, subixii hurdada xilli hore ayaan ka kacaa, qiyaastii sagaalka subaxnimo. Maalintu way iska gaaban tahay, wakhtiguna degdeg ayuu kugu dhaafayaa marka aad hawlo culus hayso ee aad barqada makhaayadda fadhido si aad qadada ugu sugto. Laakiin caawa, caweysku goob kale ayuu ka dhici doonaa oo aan ahayn meeshii ay asxaabtu joogtay. Kolley iyaguna way iman doonaane, waa aroos la iigu yeedhay. Runtaa wacane, anigaa martiqaadka meelahaa ka doontay. Caawa waa habeenkii uu moobilku xiiqi jirey, kamaraddiisuna aad u shaqayn jirtey. Niyow anigu, markaan anigoo jaasaya iska duubayo, qoorta ma qalloociyo, laakiin rag badan ayaa caawa iska duubi doona iyagoo debnaha cunaya. Bal may sidayda aayar uun madaxa ka ciyaaraan! Adigu waxba yaanan ku daaline, dharkii ayaan fiidkiiba sii xidhay. Ma aha suudh cusub, waayo dadka is aroosanaya is maba naqaannee, laakiin waa koodh iyo surwaar iyo shaadh ay saddex asxaabta ahi kala leeyihiin. Aroos kasta suudh cusub loo ma iibsan karo, markaa waannu isku qasnaa oo dhar cusub ayaa ka soo baxa.

Hargeysana waxaan ku nacay, kow iyo tobanka habeennimo ayay baabuurtu jiq isku tahay. In aan ka daaho ayaan ka baqayaa, laakiin kolley waa iska caadi. Imika ayay dadkii u horreeyey soo gelayaan. Albaabka hoolka waxa taagan saaxiibkay Naasir oo goorahaaba telefoonka igu soo dawikhiyey. Salaan ka dib waxa uu ii sheegay in uu garanayo labada reer ee is guursanaya. Waa wax wacan runtii, waa in aad cid uun ka garataa arooska, in kasta oo aan jecelahay aroosyada aanan cidna ka aqoon, waa kuwa aan anna debnaha cuno markaan muuqaalka iska duubayo.

 

In aanu waxani aroos caadi ah ahayn, markaas ayaan dareemay. Bishii u dambeysay waxaan tegay toddoba aroos, intii ka horreysayna tiraba ma laha, weli waxan oo kale maan arkin. Dhulka saxar yari ma yaallo, waxaan filayaa, carrabka ayaa lagu masaxay. Hablo faydfaydan oo xiiqsan ayaa kolba dhinac ii dhaafaya hoolka badankiisu madhan yahay gudihiisa. Kolley waa kuwii hawsha waday. Il baratay ayaa sii eegtay, bal in aan garto. Way adag tahay in markan oo kale la aqoonsado hablaha, hawl culus ayay hayaan oo indhahoodu xitaa naxariis ma leh. Waa yeelkadood, kuwo kale oo aan hawl hayn ayaa soo socda. Ninba meel bay kaga eg tahaye, indhaha ayaa aad ii shaqeeya. Naasir wuu iga gacan fudud yahay, waan garan waayey wax uu ku akhriyo, wuxuun baad arkaysaa isagoo la hoyday labaatan lambar.

 

In yar ka dib waxa hoolkii dhalaalka badnaa soo buuxiyey dad aanan weligey hore u arkin. Rag iyo dumarba. Waa run, dadku way isa soo qurxiyaan marka ay aroos imanayaan, tani se waa wax kale. Horta hablaha ayaan ku haystaaye, waxa aad mooddaa in ay leebaajada soo mareen, dhawr cishana la soo radinayey. Waxani qurux ka badan, malaha waa Xuuralcayn soo xagaa baxday. Inan keli ah oo aan ka garto hablaha ayaan waayey. Suurtagal maaha. Malaha waa jin. Shaydaanka ayaan is idhi iska naar, haddana waxaan is idhi billee balaayadu kaa kala yaacaan, iska daawo.

 

Mar keli ah ayaa la joojiyey muusiggii socday. Si la wada garan karo ayaa loo joogsaday. Intaa waan fahmay oo lammaanihii caawa martida loo ahaa ayaa soo gelaya. Waan istaagay. Kolley labadooduna waa kuwan goobta jooga boqorradoodii. Waa dhab, hooyooy qurxoonaa inantu, ninka dee illeyn waxba iga ma geline. Quruxda la sheego waxa ugu wacan, midda aad sharrixi kari weydo. Yartan caawa haddii aan anigu guursan lahaa, guriga inta aan taallo uga sameeyo ayaan halkaa joojin lahaa, u ma dhawaadeen; dhalo jabaysa ayaad mooddaa.

 

Arrintani way igu ballaadhatay. Saaxiibkay Naasir ayaan agtayda ka waayey, tolow ma Shaydaankuu naaray? Ma naarayee, waa ka geeska kale soo taagan. Dhankiisa ayaan u cararay, dhawr habloodna waan sii jiidhay. Maba diiqadoonayaan, Shayaadiintu dulqaad badanaa oo udgoon badanaa. Weligey cadar noocan ah maan urin, intaas oo habloodna waan soo ursaday. Aniga i weydii, cadarradani maba yaallaan magaalada waayo dukaamada waxan iibiyaba dushaan ka hayaa. Mid idaacadda ku yaalla ayaa ugu xariifsanoo, kaasina heerkan maba gaadhin. Naasir ayaan ku soo gaadhay muddo ka dheer mid u dhiganta masaafada uu ii jirey ee gaaban. Kolley isaga ayaa dadkan af yaqaannee, ka warayso ayaan is idhi.

 

“Waar heedhe, waa adigii lahaa waan aqaannaa labada reere, reero Shaydaan yay ka yihiin?”

 

Indhihiisa ayaan ka gartay in uu ila yaabay, qosolna wuu ku daray.

 

“Hareerahaaga eeg,” ayuu iigu jawaabay.

 

Waan eegay. Meel kasta wax dahab u eg ayaa sudhan, cidna ma hunguraynayso, markaa kolley dahab ma aha. Waa dahab dhab ah show. Gummudka ayaa i dhaqdhaqaaqay, shantii hablood ayaan mid ku guursan lahaa kuuskaa albaabka agtiisa ka lusha haddaan sii qaato. Wax kasta oo aan eegaaba way dhalaalayaan, dad iyo alaabba. Laba boqortooyo oo aanan Hargeysa ku ogeyn ayaa caawa wixii ay hayeenba isu keenay. Waar niyow kuwii salaadiin ahaa yaa u yeedha, ha iska gurtaane, wax uun bay ka heli lahaayeene, dhawr berina waa laga nasan lahaaye!

 

“Haaye niyow yaa is guursaday?”

 

Inta uu i soo eegay ayuu aamusay. Kolley hoosta ayuu iga higgaadinayaa, dhawr jeer ayuu hooyaday aad ugu.. haa.

 

“Sideed martiqaadka ku heshay, haddii aanad ogeynba cidda is guursanaysa?”

 

Waa su’aal muhiim ah oo aanan imika rabin in aan ka jawaabo. Waxa ka muhiimsan in aan ogaado junuuddan aan la joogaa cidda ay yihiin iyo in ay hablo guurdoon ah hayaan. Kolley haddaan caawa guursado mid ka mid ah, berri labiyo toban faruuran ayay dhali doontaaye. Faruur baad sheegtee bal may sanka la’aadaan, reerkan in lala xididaa waa muhiim.

“Inanta ayaan kuu sheegayaa,” ayuu ka bilaabay.

Dhegta ayaan u soo dhaweeyey afkiisa si aan wax uga maqlo heesahan nooca kale ah ee meesha ka shidan. Waa heesaha guddaafadaha maqaariibka laga daaro kolley.

 

“Waa Been.”

“Maxay?” ayaan la soo booday.

“Dee inantu. Inanta la guursanayaa waa Been.”

“Aar wax noo sheeg! Ma beentii la sheegi jirey?”

“Nacam Billah!”

“Ma tii runta ka soo hor jeedday?”

“Waa lafteedii.”

“Oo yaa u baxay miskiinta?”

“Dee Munaafaq.”

“Oo imika ma Been iyo Munaafaq baa isku dhex guursanaya Hargeysa oo aroos noocan ahna dhiganaya?”

“Haahey.”

“Deedna waxaan ku weydiiyey.. Een.. yaa waxan oo kharash ah bixinaya?”

“Niyow su’aalo badanidaa.”

 

Inkaari kugu dhacday Naasirow, waabu i dhibsaday. Waxan oo dahab ahi halka ay ka yimaaddeen in aan ogaado ayaa aniga ii daran. Qaar rag ah oo sidoodii qoorta leexleexinaya oo is duubaya ayay ishaydu ku dhacday. Bal haddii ay halkaas uun ku ekaanayaane, telefoonkayga ayay iiga sii horreeyaan oo aan hadhow ugu tegi doonaa. Naasir oo soo dabcay ayaa afka ii soo dhuubay.

 

“Ma arkaysaa odayga caloosha weyn ee halkaa soo fadhiya?”

Waa mid aan goorahaaba arkayey laakiin aan sanam moodayey, waayo maba nuuxsanayo. In ay xarrago ka tahay ayaan ogaaday.

 

“Odaygaasaa u adeer ah oo kharashka oo dhan bixiyey.”

“Muxuu ahaa markaa odaygu?”

“Dee waa ninkii caanka ahaa ee Musuq.”

 

Halkaa marka ay marayso ayuu hadalkii iga go’ay aniga. Ma aha in aan waayey wax aan idhaa, laakiin waxa aan ogaaday in aan hadalba loo baahnayn. Show lacagtan aan ka shaqo la’ ahayba, meelahanaa lagu bixiyaa. Waxaan qiyaasi karaa guriga ay degi doonaan, ducada berri la qaban doono iyo baabuurta ay kaxaysan doonaan.

 

Sanduuq xidhan ayuu Naasir ii soo fidiyey. “Hoo, saaxiib. Waa muraayaddii indhaha. Berri subaxa marka aad toosto, xidho oo suuqa dhex mar, waxa aad aragtana ha ka nixin.”

Ma aha goob aniga la iigu talo galay meeshani caawa, degdegna waan uga baxay. Waxa aan barxadda ku sii dhaafay gawaadhi kala jiidan, tukhaan keligii geed hoostii isku nabaya ayaan u miciinay, wax hurdo u egna qolkaygii ugu tegay.

 

Muraayaddu tii cimriga ayay u eg tahay, intii aanan guriga ka bixinna waan sii qaatay. In aan gashado waxa aan ku illoobay xusuustii xalay iyo meeshii xoolahayga lagu tumanayey. Jidka dheer ee magaalada dhex mara ayaan dhinac ka taaganahay si uu Naasir iigu soo maro. Gaadhigiisii kolba meelahaa shidaalka nagaga goosan jirey ayuu igu dhinac qabtay, waanan raacay. Hadal igu ma jiro, isna goror ku ma hadhin.

Waxaan fahmi waayey sababta uu u dhaqaaqi waayey, waan eegay. “Muraayadda gasho,” ayuu cod xabeebsan igu amray. Waan yeelay, sankana dul dhigay, dhegahana ku soo laabay. Mar keli ah waxa is beddelay muuqaalkii jidka. Jidka caadi ahaan madowga ahaan jirey ayaa khafiif noqday. Naasir oo aad mooddo in uu arkayo waxa aan arkayo ayaa sharraxaad ii bilaabay.

 

“Jidka midabkiisa inta maqan waxa ka qaatay odaygii Musuq.”

 

Waa balaayadii bidaarta iyo caloosha weyn isku darsaday. Baabuurku aayar ayuu ila dhex maray jidka weyn, indhahayguna hareeraha ayay daymoonayaan. Xafiisyada dalka looga taliyo waxa mid kasta hortiisa ku xidhan isbaaro aan la dhaafi karin, waxa saf dheer ugu jira dad cawlan oo maryo googo’an xidhan. Waa Daacaddii. Boodh weyn waxa ku qoran xagga sare, “Lala ma soo geli karo hubka noocyadiisa kala duwan, sida runta, qalbiga wanaagsan iyo daacadnimada.” Gawaadhi waaweyn oo cadcad ayaa birta laga sii qaadayaa oo aan la eegayn, gudahana gelaya iyaga oo boodhka ku qasaya Daacad oo bannaanka fadhida. Waa Eex iyo Musuq carruurtiisii. Kolley arooskii xalay waa kuwii xiiqsanaa. Daruuro madow ayaa dul hoganaya meel kasta oo goob dadweyne ah, caadi ahaanna dad gaar ah u xidhan. Waa inantii Cuqubo oo in ay da’do diidday. Cuqubo, Musuq iyo Eexdu way ku kala badan yihiin goobaha aan sii dhaafayo ee xafiis iyo cisbitaalba leh. Dhanka maxkamadaha waan ka baqay in aan u leexdo, saldhigyada iyo jeelashana qiiq aan loo dhowaan karin ayaa ku wareegsan. Wax uu yahay qiiqaasi maan garan.

Muraayaddani way igu cuslaatay, hawsheeduna way badatay, waan iska saaray. Markiiba magaaladii aan aqaannay ayaa ii muuqatay. Makhaayaddaydii fadhiga macaanayd ayaan dhankeeda u dhaqaaqay, illeyn waa barqee, si aan qadada ugu sugo, caawana aan aroos kale u aado.

Ismaaciil C. Ubax

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.