Been Alla nacay.W/Q:Barkhad-Ladiif

0

Baryahan dadku waxay ku doodayeen lacagta deynta ah ee xukuumaddii hore wareejinayso, waxaana la sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu xukuumaddiisa ku wargaliyey in aan wax deyn ah lagu wareejin xukuumadda ka dambaysa, haseyeeshee, wasiiraddii deynta wareejinaysay inta madaxweynihii madaxa u ruxeen si ay amarkaasi ka ogolaadeen ayey madaxweynihii cusbaa ula tageen deyntii, waxaanay u sheegeen in deynta lagu wareejinayo aanu umadda u sheegin, maadaama oo deynta isku wareejinayaan uun isla xisbiga KULMIYE si aan loogu dhaliilin xukuumaddii hore deyn bay wareejisay sidii xukuumaddii ka horeysay ee Daahir Rayaale oo kale, taas oo ay u arkayeen inay ceeb tahay.
Deyntan oo dadku ninba wax ku sheegayo, laakiin la isla qirsan yahay inay lacag badan tahay, waxaana deyntaasi ku baxday intoodda badan waa Gaadiid shakhsiyaad lagu maamuusay iyo waxyaalo aan qarankan faa’iido u lahayn.
Marka dadku waxay aad u hadal hayeen wasiir ay ku naanaysayeen Been alla nacay, markii aan naanaysta wasiirku yahay garan waayey ayaan dib u waydiiyey wasiirka Been alla nacay lagu naanaysaa waa kee, iyo waa macruuf oo dadkuba badi way yaqaanaan, iyo ma garanayo ee waa kuma iyo waa hebel, markii aan gartay wasiirku ka uu yahay ayaa dib u xasuustay naanayso kale oo badan oo dadka kale u yaqaanan ama ku xantaan, ka dibna naanaystan iyo naanaysihii aan hore u maqlay ayaa is waafaqay oo intuba been iyo balan xumo uun ku soo ururaysay.
Shacabka iyo siyaasiyiinta waxa horeeya shacabka, shacabku masuul walba way yaqaanaan wuxuu guddo iyo waxa uu qaban karo, marka waxay nahay shacab ka horeeya siyaasiyiintoodda, halka ay ahayd in siyaasigu ka horeeyo shacabka oo uu u hogaamiyo meel barwaaqo ahBeen Alla nacay.
Baryahan dadku waxay ku doodayeen lacagta deynta ah ee xukuumaddii hore wareejinayso, waxaana la sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu xukuumaddiisa ku wargaliyey in aan wax deyn ah lagu wareejin xukuumadda ka dambaysa, haseyeeshee, wasiiraddii deynta wareejinaysay inta madaxweynihii madaxa u ruxeen si ay amarkaasi ka ogolaadeen ayey madaxweynihii cusbaa ula tageen deyntii, waxaanay u sheegeen in deynta lagu wareejinayo aanu umadda u sheegin, maadaama oo deynta isku wareejinayaan uun isla xisbiga KULMIYE si aan loogu dhaliilin xukuumaddii hore deyn bay wareejisay sidii xukuumaddii ka horeysay ee Daahir Rayaale oo kale, taas oo ay u arkayeen inay ceeb tahay.
Deyntan oo dadku ninba wax ku sheegayo, laakiin la isla qirsan yahay inay lacag badan tahay, waxaana deyntaasi ku baxday intoodda badan waa Gaadiid shakhsiyaad lagu maamuusay iyo waxyaalo aan qarankan faa’iido u lahayn.
Marka dadku waxay aad u hadal hayeen wasiir ay ku naanaysayeen Been alla nacay, markii aan naanaysta wasiirku yahay garan waayey ayaan dib u waydiiyey wasiirka Been alla nacay lagu naanaysaa waa kee, iyo waa macruuf oo dadkuba badi way yaqaanaan, iyo ma garanayo ee waa kuma iyo waa hebel, markii aan gartay wasiirku ka uu yahay ayaa dib u xasuustay naanayso kale oo badan oo dadka kale u yaqaanan ama ku xantaan, ka dibna naanaystan iyo naanaysihii aan hore u maqlay ayaa is waafaqay oo intuba been iyo balan xumo uun ku soo ururaysay.
Shacabka iyo siyaasiyiinta waxa horeeya shacabka, shacabku masuul walba way yaqaanaan wuxuu guddo iyo waxa uu qaban karo, marka waxay nahay shacab ka horeeya siyaasiyiintoodda, halka ay ahayd in siyaasigu ka horeeyo shacabka oo uu u hogaamiyo meel barwaaqo ah.

W/Q:Barkhad-Ladiif

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.