Beelo Reer Somaliland Ah Oo Dagaal Dhexmay

0
Gobolka Saraar Oo Lagu Qabtay 5 Baabuur Iyo Rag Dhuxulaysato Ah

Beelo Reer Somaliland Ah Oo Dagaal Dhexmay

Dagaal ayaa ka dhex bilaabmay laba beelood deegaanka Gocondhaale iyo Horufadhi oo ka tirsan Buuhoodle dhinaca galbeedna kaga quman.

Dagaalkan ayaan si dhab ah loo ogayn khasaaraha uu geystey, waxaase la sheegayaa in ay jiraan dad dhintay iyo kuwo dhaawac ahba.

“Dagaal ayaa ka bilaabmay labadan beelood oo khilaaf degaan mudooyinkii la soo dhaafay ka dhex oognaa” sidaana waxaa HOL u xaqiijiyey Cali Cismaan oo ku sugan Buuhoodle, isagoo intaas Ku daray in aan khasaaraha runta ah aan la sheegi Karin.

Qaar ka mid ah waxgaradka Buuhoodle ayaa sheegay in beryahanba ay socdeen dadaal labada beelood lagu dhexdhexaadinayo hadana in ay ku dadaalayaan sidii loo joojin lahaa.

Wararka suuqa laysla dhexmarayaa waxa ay sheegayaan in 6 ruux Ku dhinteen labada dhinacba.

Beelahan Dhulbahante ayaa kala ah beelaha Hagar iyo Hayaag waxaana la sheegaya in muranku ka dhashay muran dhinaca degaanka ah.

Xigasho: Hiiraan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.