Beebkii Biyaha Ee Hoos Mari Jiray Biriijka Wayn Ee Hargaysa Oo Jabay Iyo Waxyeello Gaadhay Biriijka Ka Dib Daadad Waawayn Oo Xalay Soo Rogmaday + Daawo Sawirada

0

Waxaa Guud ahaanba Somaliland ka curtay Roobabkii Gu’ga kuwaas oo sababay Daadad waawayn oo ku soo rogmada Dooxyda waawayn ee dalka .

Biriijka wayn Ee Hargaysa oo maalmihii u danbeeyay ay hoos marayen Daadad xoog badan ayaa waxaa Daadadkaasi ay waxyeelo gaadhsiiyeen mid ka mid ah Tiirarka uu ku taaganyahay Biriijka , taas oo halis galinaysa  Biriijka Caasimadda  .

Geesta kale Daadad waawayn oo xalay soo rogmaday ayaa waxay sababeen in uu go’o ama uu jabo Beebkii waynaa ee biyaha keeni jiray Daanta Koonfureed ee Magaalada Hargaysa.

Dawladda Hoose Ee Hargaysa ayaa ka gaabisay doorkeedi , ka dib markii aanay wax qorshe ah ka sameesan Roobabka Curtay iyo saameenta ka dhalan karta , sidoo kalena aanay intii Roobabku bilaabmeen aanay  qaadin talaaboyin lagaga hor tagi karo saameenta taban ee roobabku keeni karaan.

ugu danbeentii Dawladda Hoose Ee Hargaysa Iyo Wasaaradda Ay Hawshani khuseese waxaaa hor yaalla sidii xal loogu heli lahaa  Beebka wayn ee jabay ee Boqolaalka kun ee qof ay biyaha ka cabi jireen , iyo khasaaraha ka iman karaa Waxyeellada gaadhay Biriijka Hargaysa .

Waxaa Xusid mudan in Maalintii shalay aanu daabacnay warbixin ku saabsan Biriijka iyo sida Daadku u waxyeelleen karo Beebka .

sida ka muuqata muuqaalkanna Beebku wakhtigaasi waxba muu qabin oo wuu shaqeenayay Balse Immika wuu jabay markii Daadad waawayn ku soo rogmadeen iyadoo aan wax talaabo ah laga qaadin .

 

Halka Hoose Gujji Oo Dib U Eeg .

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.