BBC Oo Culays Lagu Saaray Faahfahinta Fasaxa Catosh

0
BBC Oo Culays Lagu Saaray Faahfahinta Fasaxa Catosh

BBC Oo Culays Lagu Saaray Faahfahinta Fasaxa Catosh
Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa dabayaaqadii bishii September ee la soo dhaafay shaacisay in wariye Cabdirisaaq Xaaji Catoosh qaatay fasax sanad ah oo ka bilaamaya 1-dii bishan October. BBC-da ayaan sheegin sababta fasaxa intaas leeg suxufi Catoosh u qaatay.

Kadib fasaxa Catoosh waxa soo baxay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo ku saabsan in Catoosh shaqada laga eryay. Dadka qaar ayaa faafiyay warar ku saabsan in Catoosh xidhiidh dhaw la lahaa Cabdi Ilay oo baadhitaan ku socdo waxaana is waydiinta badan ee bulshadu keentay in BBCSomali mar kale faahfaahiso fasaxa Catoosh.
Qoraal BBC-du ku daabacday boggeeda Facebook ayaa u dhigan sidan:-
Wariye Cabdirisaaq Xaaji Catoosh

Dhageystayaal badan ayaa faafaahin naga soo weydiiyay fasaxa dheer ee uu galay barnaamij tebiyaha laanta af Soomaaliga ee BBC, Cabdirisaaq Xaaji Catoosh. Waxaan rabnaa inaan caddeyno in Catoosh uu qaatay fasax dheer oo sannad ah, sababo la xiiriira arrimo muhiim ah oo isaga u gaar ah. Catoosh waxuu ka mid yahay shaqaalaha joogtada ah ee laanta Af Soomaaliga ee BBC.

BBC-da waxay oggoshahay inay shaqaalaheeda siiso fasax dheer haddii ay codsadaan. Catoosh fasaxaas ayuu dalbaday waana loo oggolaaday. Waxaa uu ka mid yahay weriyeyaasha caanka ah ee gobolka waxaanan fileynaa inuu soo laaban doono 12 bilood kaddib.

Mahadsanidiin

Wariye Sanad Ka Maqnaanaya BBC-da

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.