Bayaankayga Hambalyada Doorashada…

0

Waxa aan qas iyo qalalaase u galay in uu qarankani xorriyaddiisa helo, muddo toban ah ayaan ku noolaa xeryo qaxoonti (1988-1997). Waa mahad Alle haddii aynu haynno midhihii halganka, nabadgelyo, waxbarasho iyo wanaag aynu gacanteenna ku dhisannay. Haddii maamulka dawlanimo weli gaabis yahay, waxa aan galladda ugu badan siinayaa shacabka Somaliland oo iskood u hirgashaday horumar aan cidi u qaadhaamin.. In uu sii taabba-qaado oo uu sii tisqaadana waan jecelah

“Sida geel dar loo horay
Iska daba rakaataa
Dimuqraaddi laguu yee
Dermo harag sakaaro ah
Isu deysta mooyee
Is dul buuxsha laga wacan” Dabataxan, Marxuun Abwaan Gaarriye…

Dhammaan xertii KULMIYE ee Golahan Facebook si gaar ah ayaan ugu hambalyaynayaa. Masuuliyad labaad iyo xil culus ayaa mar kale idin saaran guud ahaan, gaar ahaanna hoggaanka cusub ee Somaliland… Eebbe ha ina guuleeyo.

Jamal Ali Hussein, Kaysar Maxamed, Afgaab Guuleed, Foozi Wadaadyare, Maxamuud Axmed Baar-cad, Shaafici Mahamoud Egeh, Hussein H. Y Cadde, Hodan Maxamed Xaashi, Fardus M Dheere, Mohamed Abdi Yoon, Hussein Badmah, Mohamed Gacayte, Abdilahi Geeljire, Keyse Gurey, Muhammad Suleiman, Sharmake Geelle, Xuseen Badhaani, Farhan Yusuf Jama, Mo Yousof Bakayle, Mukhtar Gabbar, Mohamed Dubbe, Ka geyoon maayo. Mention dhaha Bahdii KULMIYE..

Xisbiyada kale ee Somaliland (WADDANI iyo UCID) waxa aan u rejaynayaa.in kalka dambe ay libinta la carraabaan.

Maansadaa Gaarriye waxa ku jirtay
Cod nimaan ku diri karo
Col haddaan u soo dubo
Wuxuun bay u daran tahay
Ka dambaan halkiisii
In loo doorto jecelahay

Damiirka san, dadnimada, walaalnimada, wax-wada-lahaanshaha iyo daljirka ayaa ina faraya in la isugu tahniyadeeyo wixii san iyo sedka cid u kordha… Qaranka ayaa guulaystay.. Axdigeennu waa wadajir, is xaqdhawr, xurmayn, laab xaadhni iyo milge aan duugoobin..

Qof ahaan si niysadsan ayaan u aqbalay go’aanka ay mar dhawayd shaaciyeen Guddida Doorashada Somaliland..

Sidiiq Gaheyr

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.