Barnaamijka Horyaal TV: Barkhad Maxamuud Kaariye

0
Barnaamijka Horyaal TV: Barkhad M. Kaariye

Barnaamijka Horyaal TV: Barkhad M. Kaariye

Horta cid waliba markay wax dhacay ka-dareen celinayso waxa raaca dareenka gaarka ah ee qofka, taas ayaana qaabaysa ereyga iyo odhaahda qofkaasi ka odhanayo waxa dhacay. Waa inta badan waxa hadheeyay qoraallo badan oo laba dhinac ahaa oo dadku ka qorayeen Barnaamijka Horyaal TV sii daayay ee hablaha khuseeya. Qoraalkaygani waa mid taas ka madhan. Haddaba, sidee buu ahaa muuqaalkaasi? Waa weydiin dad kala duwani i waydiiyeen. Intaanan jawaabtaa gelin, waxa afeef iga ah in qoraalkaygani aanu ujeedin, isla markaana khusayn habshaqada guud ee Telefishanka, hawlwadeennada ka shaqeeya iyo sidoo kale weriyayaashii iyo soosaarayaashii barnaamijkàas oo dhammaantood aan ixtiraam u hayo. Waxa kaliya ee qoraalkaygani ku kooban yahay tilmaamidda qaybta barnaamijka la innaga tusay!

Waa tan jawaabtaydu, si-arag ka duwan taydan oo cilmi ku dhisanna dad kale ayaa soo bandhigi kara.

Warbaahintu mabaadii’da ay u taagan tahay waxa ka mid ah in la inftiimiyo dhib iyo dheef wixii bulshada ay u adeegaysaa ku sugan tahay. Waa hagaha iyo toosiyaha bulshada, taas oo in badan jaangoysa hab-fikirka bulsheed. Barnaamijka Horyaal TV gudashada waajibkàas ayuun buu ka mid ahaa, taas oo malaha wanaagsan markaynu ka eegno looga dan lahaa in bulshada lagu baraarujiyo in dhibaatadaas iyo anshaxaa aan wanaagsanayni innagu soo badanayo ee meel looga soo wada jeesto. Barnaamijkani taa ma ka jawaabay? Ma bixinayay sawir u eg baraarujintaas? Maya ayaan qabaa, sababtuna waa tan;
– Barnaamijka waxa loo qaabeeyay si qaldan oo xitaa aanay bulshadu aqbali karin in mid dhammaystirani soo socdo. Waayo, waxaan maqlayaa in hordhac (Trailer) uu ahaa intani, laakiin wixii la sugi lahaaba habtebinta iyo inta xogtan laga soo qaatay ee la soo daayay baa sii daboolay.
– Isticmaalka ereyada barnaamijku ma ahayn mid u dhigan in laga warramayo dhibaato bulsheed iyo belaayo soo korodhay, waxayse ahayd mid dhiirigelin u muuqata amma inaan la sharaysanba dhibta laga warramayo.
– Codadka la-wareystaha ee la soo qaatay ma ahayn kuwo ku habboon in la sii daayo dhaqan iyo diin ahaanba, sababtoo ah; waxay dhiirigelinaysay in hablaha kaleba samayn karaan, waayo; inanta leh ‘lacagi igagama baxdo’ miyaanay u dhignayn ‘Lacagi kaaga bixi mayso oo rag bixiya’ ayaa jira! Hadallo kale oo aan munaasib ahayn baa iyana ku jirey.
-Si galdalloolada barnaamijku u helaan fakaag iyo faalal dadku ku sugaan barnaamijka dhamayskatiran, laguma sheegin in barnaamijkan oo dhammaystirani soo socdo. (Dhammaadka muuqaalkan waxa lagu sheegay barnaamijka maalmaha la daawanayo, hase ahaatee lama sheegin inuu kan yahay). Sababahaas iyo kuwo kaleba waxaan aaminsanahay in barnaamijku aanu waafaqsanayn ujeeddadii laga lahaa.

Dhibaatadan uu barnaamijku ka hadlay ma jirtaa? Muuqaallada la adeegsaday ma noqon karaan kuwo la metelay (Sida dadka qaar ku doodayaan)? Dhibaatadani waa mid jirta marka runta laga hadlo, waana mid u baahan in wax laga qabto guud ahaan qaadka, rag iyo dumar kii doonaa ha cunee. Siyaasad cad oo cid waliba qayb ka tahay in laga yeesho. Walow aanan garan sabab keeni karta in muuqaalkan la metelo, haddana warbaahinta iyo sharcigeedu way ogoshay in muuqaallada dib loo qaabeeyo (Dhiso), waxa shardi ah in dadka loo sheego in la metelay. Ma loo baahan yahay in la metelo muuqaalladan amma la baahiyo? Haa, waliba aqoonsigoodii way qariyeen oo arrin wanaagsan ah.

Gunaanadkii, warbaahinta waxa looga baahan yahay in xogta la gudbinayaa aanay noqon mid bixinaysa sawir qaldan amma guud ahaan aan iin gaar ah u yeelaysa koox/Qayb gaar ah oo bulshada ka mid ah. Sidoo kale, in xasaasinnimada mawduuca iyo tebintiisu aanay noqon mid diin iyo dhaqanba ka hor imaaysa.

Barkhad M. Kaariye.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.