Barkhad Eed Culus U Jeediyay Madaxweyne Biixi

0
Barkhad Eed Culus U Jeediyay Madaxweyne Biixi

Afhayeenka Guud ee xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa si adag madaxweyne Biixi ugu eedeeyay isir nacayb iyo in uu kala soocayo bulshada uu madaxweynaha u yahay waxaanu tusaale u soo qaatay beesha uu ka soo jeedo ee Gabooye.

“Waxa aan ka marag kacayaa in aad tahay Madaxweynahaygii, Madaxweynihii qarankeyga, Madaxweynihii Mucaaradka iyo Muxaafidka, balse waxa aan kuu sheegayaa in aan Mabsuud ku ahay in uu Alle iga dhaliyey kuwaad Midgaha u taqaanid Oo aan 20 Sanno ka hor soo jiidhay deyrki Jeelki Jaahiliyada ee Sumadiisu aheyd kala sarreynta dadka. Astaan Madaxweynenimo waa Caddaalad iyo Sinnaan bulsheed. Waxaans’e ka Murugeysanahay In ay dadkeeni Somaliland iyo dunidiiba ogaatay In aad tahay Madaxweyne hayb-sooca Muwaadiniinta yaqaana kana run sheegi karin qodobka 8aad ee dastuurka dalka dhaartana aad ku martay! Hawshaada wado hanki qaranka rumoobe haybtuna waa maqiyaaska maamulkaaga! hora loo soconaya,” Sidaas ayuu Barkhad ku yidhi qoraal uu boggiisa Facebook soo geliyay

Qoraalka Barkhad ayaa u muuqda mid jawaab u ah qoraal baraha bulshada qabsaday markii Barkhad dhawaan xidhnaa kaas oo baraha bulshada ay soo galiyeen dad goobjoog u ahaa madaxweynaha oo ku tawaawacaya in uu Barkhad oo Midgaan ah xidhi kari la yahay isaga oo nin reerkiisa ah xidhaya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.