Barkhad Batuun “Dawladda Yar Ee Jabuuti…”

0

W/Q Barkhad Jaamac Batuun, Afhayeenka Xisbiga Waddani

Dawladdan yar ee aynu jaarka nahaye ee Jabuuti la yidhaadho, Telefishenkeeda RTD habeenimadii xalay waxa uu baahiyey war sheegaya in ay 4 qof oo xanuunka Corana Virus qaba soo galeen dalkooda kana yimaadeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa! Waxaa haboon in hal tallaabo ay xukuumaddan KULMIYE ee talada haysaa qaaddo isla maanta, waa haddii ay damiir leedahay, sharafta dalkeedana ilaalineyso taas oo ah” In Safiirka Somaliland ee Jabuuti u jooga maanta tago meesha ay dadkaasi joogaan haddii uu jiraba warkaasiye. Anigu se filimaayo in uu jiro oo run yahaye, kadibna indhihiisa uu ku soo arko oo uu war-buuxana Qaranka uga keeno.

Haddii uu ogaado in aanu jirin warkaas, waa in uu degdeg uga soo baxaa Jabuuti oo uu Hargeysa iska soo xaadiriyaa, kadibna Safiirka Jabuuti ee Hargeysa joogana dawladdu masaafurisaa. Arrimahan cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah waxaa lagu yidhaahda: ” State Defamation and harm exist reputation”
“Sharaf dil Qarannimo iyo baabi’in sumcadeed” sharafteena dal iyo dawladnimo ku doorsan kari mayno macaawis iyo passport yar.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.