Baralmaanka Oo Cod Aqlabiyad ah Ku Ansixiyey Xilka Qaadista Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland.

0

Hargeysa (Sayruuq) Labada gole ee baarlmaanka Somaliland Guurtida Iyo Wakiiladda  ayaa maanta cod gacan taag ah u qaaday soo jeedintii madaxweynaha Somaliland uu labada gole u soo jeediyey inuu xilkii ka qaaday gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland.

Fadhiga maanta oo ay ka soo xaadireen 127 xildhibaan waxaa xil ka qaadista gudoomiyaha maxkamada sare ogolaaday 80 xildhibaan, waxaa diiday 32 halka ay ka aamuseen 15 mudane, sidaasna waxaa lagu ansixiyey caydhinta gudoomiyaha oo todobaad ka hor uu madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.