Baraha bulshada iyo Isbeddelka Ku Yimi Intii Like-ta Iyo Share-tu Danbiga Noqotay!!!

0
Ha Loo Sheego Qolada Shaqadan Leh in Waxa La Ilaalinayaa uu Yahay Wax La Yidhaa Dhaqaalaha Dalka!!!
Prof Cabdi Cali Jaamac

Baraha bulshada iyo Isbeddelka Ku Yimi Intii Like-ta Iyo Share-tu Danbiga Noqotay!!!

Ma ogtahay, sideedaba, in akhristayaasha aamusan ee aan bixin wax comment ah ama like iyo share ah ay ka badan yihiin kuwa ka falceliya Postiga aad soo dhigto. Intii danbiga laga dhigay like ta iyo share ta, waxa jirta in dabagal iyo cabudhin lagu sameeyay isticmaalayaasha baraha bulshada, dhaqaale badanna lagu kharash gareeyay arrintaas; waxa xaqiiq ah in dad badani u nuglaadeen harawsigaas, taasoo keentay in qofku ka maago inuu comment gareeyo ama share gareeyo Postiyada ay soo dhigaan dadka lagu yaqaan in aanay xukuumadda isku fiicnayn!!

Haddaba, taas macnaheedu ma aha in aan postigaagii la akhrisan ama aan laga falcelin; anigu waxan qabaa in ay sii kordheen dadka akhrista ama ku xidhan waxa aynu soo qorno, laakiin waxa jirta in uu qofkii ka dhacayo inuu comment ama like saaro Postiga si aanay isu seegin hawl-wadeenadii ku dabajiray isaga; garoo Danley bay wada noqotay!!!! Runtii waa cabudhinta halkii u danbaysay; waxanad garan kartaa cidda miciinsanaysa farsamooyinka noocaas ah in xaalkeedu marayo nin daad qaaday xunbo cuskay; qofkastaana wuu garanayaa in waxaas oo kale aanay muddada dheer sii shaqayn karin!!!

Haddii dad badan sidaa loo harawsaday, miyay ku guulaysteen in ay ku qanicyaan dadka aan ka mid ka ahay in ay niyad jabaan, oo ay Postiyada joojiyaan ama ay yareeyaan, taasi oo ah hadafka ugu danbeeya ee loo socdo; kollay aniga May; maxaa yeelay waxan ogahay in dadka ku xidhan postiyada ee taageeraa ay aad u sii bateen, laakiin ay ka dhacayaan in raad kooda ay helaan hawl wadeenada u xil saaran shaqadan gurracan; miyaad ka anbanaysaa Suuqii madoobaa; markasta oo cabudhin la sameeyo waxa samaysma, sida la ogyahay, waxa loo yaqaan Suuqa madow (black market); dadku immika waxay ku sameeyaan like ta iyo share ta iyo comment ka ba Suuqa Madow!!!; waa sababta hawshu u socoto, hawl wadeen!!! Kkkkkkk; sakaaro saalo la arkayo ayay aas-aastaa!!!!; mararka qaarkood waxan ka shakiyaa in ay shaqaynayso maskaxda dadka wax cabudhiya!!!!

Si kastaba ha ahaatee, lama filayn waddan dimuqraadi ah, oo innaga oo kale ah, in qofka muwaadinka ah la daba-guro illaa xadkaa; su’aashu waxa weeye miyaynu ka guurnay nidaamkii dastuuiga ahaa ee dimuqraadiga ahaa ee damaanad qaadayay xorriyada ra’yi dhiibashada ee muwaadinka; haddii aynu ka guurnay magacii nidaamka aynu u guurnay; anigu waxan aqaan in ay dunida jiraan guud ahaan laba nidaam siyaasadeed oo kala ah autocracy( Kali-talis) iyo Democracy (dimuqraadi); ka hore (Autocracy) wuxu u sii kala baxaa Boqortooyo ( Monarchy) iyo kali-talis (Dictatorship); ma aqaan wax u dhexeeya; ma ii sheegi kartaa magaciisa system u dhexeeya labadaa haddii uu jiro, bal aan kala faa’iidaysanee?; dabagalka iyo dabagurka noocan oo kale ah wuxu ka dhacaa oo kaliya, aan kuu sheego adigoo iga raaliya’e, Saudi Arabia oo kale (Boqortooyo) ama wadanka yar ee aynu jaarka nahay (Dictatorship)!!!!

Cabdo; Dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga.
Prof Cabdi Cali Jaamac

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.