Banaanbaxyo Rabshado Wata Oo Ka Socda Boorama Iyo Guriga Taliyihii Booliska Gobolka Awdal Oo La Gubay

0

Boorama(Sayruuq)-Meydka kii yaraa ee shalay lagu dilay garoonka Xaaji Daahir Cilmi Staduim ayaa la isku diiday in la aaso ka dib markii beesha uu ka soo jeedaa wiilkaasi yari ku doodeen in sharciga loo hor keeno sida ay noo xaqiijiyeen ilo xogogaal ah.

ciidamada-RRU-da-o-ha-qof-ku-dilay-borama

 

Dhanka kale waxaa dabka la saaray lana gubay guriga Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Awdal General Araweelo ku lahaa Magaalada Boorama waxaana qaybo ka mid ah Magaalada Ka Socda Banaanbaxyo  Rabshado wata oo lagaga soo horjeedo dilkii shalay ka dhacay Garoonka Xaaji Daahir Cilmi Stadium.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala Soco Somalilandtoday haduu allah idmo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.