BANAAN BAXYADDA IYO SHARCIYADA LOO MARAYO

0
Wararkii u dambeeyay Xaaladda Somaliland

BANAAN BAXYADDA IYO SHARCIYADA LOO MARAYO.

DASTUURKA SOMALILAND
.
QODOBKA 32AAD
XORRIYADDA BANNAANBAXA,
RA’YI – DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE
FAQRADIISA 2 AAD.
2. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax
nabadeed oo xeerka waafaqsan.
Hadaba waxa is weydiin leh sidee baa xeerka Waafaqsan, Xeer keebaase loo raacaya?
Sharciyan Habka Loo Marayo banaanbaxyada Waa in la raaca Xeerkan waana in laga dheeraadaa Waxyaabaha uu Mamnuucayo.
Waa run Banaan buxu waa xaq sharci uu dastuurku ku siiyay laakin waa in si nabadgelyada iyo Anshaxa guud ka hor imenayn loo Dhigaa banan bax.
“DHAWRKAN QODOB” aynu ka soo qaadano
1.Banan Baxyadda
2. Reebanaanta Hubka xiliga banan baxa
3. Kala kaxeynta Banaan baxayaash iyo Cida ka masuul ah
4. Habka Loo joojinayo banan baxyadda.
“XEERKA ILAALINTA ANSHAXA IYO NEBEDGALYADA GUUD. XR LR 51/2012.”
NIDAAMKA GUUD IYO KALA DAMBAYNTA
Qodobka 10aad
Banaan-baxyada
1. Qabanqaabiyeyaasha bannaan-baxyada lagu
qabanayo fagaare dadka ka dhexeeya ama u
furan dadka oo dhan, waxaa waajib ku ah in ay
soo ogeysiiyaan Duqa degmada, Gudoomiyaha
Gobolka ama wasiirka Arrimaha Gudaha, ugu
yaraan saddex maalmood ka hor, si loogu
ogolaado Waxaa bannaan-bax fagaare ah loo
tixgelinayaa xataa shir lagu qabanayo meel
fagaare ah, haba lahaado mid cid u gaar ahe,
iyadoo la eegayo tirada dadka ka soo qayb
gelaya, ujeeddada iyo mawduuca.
2. Waxaa loo tixgelinayaa shir gaar ah kuwa ay
goobahooda ku qabsadaan ururada siyaasadda
iyo ama kuwa aan siyaasiga ahayn iyo axsaabta
la aqoonsan yahay xarumahooda, haddii aanay
isu rogin qaab shirweyne ama kaambeyn degmo,
Gobol ama Qaran.
3. Sababo la xidhiidha caafimaadka guud
,degenaanshaha, dhaqanka wanaagsan, kaldambaynta iyo nabad-gelyada, waxaa Duqa
degmada, Gudoomiyaha Gobolka ama wasiirka
Arrimaha guduhu go,aan qoraal ah oo
sababaysan ku diidi karaa shir ama isu soo bax
guud, amase wuxuu wax ka bedeli karaa
qaabka loo qabanayo iyo wakhtiga la qabanayo,
isagoo ogeysiin degdeg ah siinaya Guddiga
Nabad-gelyada iyo police-ka.
4. Qodobada Xeerkan ee loo adeegsanayo kulanada
iyo bannaan-baxyada dadweynaha ayaa sidoo
kale loo adeegsanayaa socodka dadweynahu
waddooyinka ku maraan ee cabasho lagu
muujinayo.
Qodobkan wuxu ina faraya in saddex cisho ka hor la ogeysiiyo Duqa magaalada, Gudoomiyaha gobolka iyo weliba w arimaha Gudaha.
Waxa kale oo ina farayaa Sida loo joojin karo loo diidi karo banaan baxa sababahan Awadood:-
a)Caafimaadka guud
b) Degenaanshaha
c) Dhaqanka wanagsan
QODOBKA XIGA
Qodobka 12aad
Reebanaanta Hubka ee Xilliga Bannaan-baxyada.
1. Waxaa reeban in hub, noocuu doono ha
ahaadee, loo qaato shirarka iyo fagaareyaasha
bannaan-baxyda, xataa haddii qofka sitaa
ruqsad u haysto sidashadiisa ama haysashadiisa
hubkaas.
2. Hubka lagu qabto isu soo baxa dhexdiisa waxaa
la wareegaysa Dawladda, qofka sitana waxaa la
ganaaxayaa ilaa 1,000,000/= Sl Sh si
waafaqsan qodobka 539(c) ee xeerka ciqaabta
guud.
waxa uu xeerkan Gaar ahaan qodobkani inaga Reebayaa in la isticmaalo Hub xilliga banaan baxa, iyo sidoo kale in hubkaa qofkii lagu qabto ay Dawladu la wareegayso. Qofka Sitana lagu ganaaxayao sida uu qabo qodobka 539 paragraph(c) ayanu eego qodobkan
XEERKA CIQAABTA GUUD.
QODOBKA 539
Qodobka 539
Xafidasho la’aan hub
Qofka waxaa lagu ciqaabayaa ganaax ilaa 1,000 Sh. So. Ah, xataa ruqsad ha u haysto in uu hub qaatee markuu:-
c) Uu ku qaato hub culus meel dad isugu yimi ama ku soo ururay.
QODOBKA XIGA
Qodobka 13aad
Kala kaxaynta Banaan-baxyada
1. Bannaan-baxyada dadweynaha waa la kala
kaxayn karaa marka ay:
a.Caddaayo in qabashada shirka ama bannaan-baxa aan loo Marin qaabka ku xusan
Qoddobka 10aad ee xeerkan.
b.Muuqato in bannaan-baxa ama shirku isu
bedelo muddaharaad guud oo dhaafa intii loo
ruqseeyey, ama uu yeesho rabshado iyo
gacan ka-hadal halis gelin Kara nidaamka
iyo kala dambaynta guud iyo nabad-gelyada
muwaadiniinta.
2. Joojinta iyo kala kaxaynta bannaan-baxyada iyo
shirarka dadweynaha waxaa u xil saaran
Ciidanka Booliska, ka dib marka ay amar qoraal ah ka helaan guddiga nabad-gelyada qaranka si Xeerka waafaqsan.
Qodobkan wuxuu si cad u sheegaya Sida ama habka loo kala kaxeynayo dadka banaan baxayaasha ah isagoo kala kaxeynta sababo ku xidhaya. Sababahan oo ah
a) inan isku soo baxa loo marin Qaab sharciga waafaqsan.
b)Marka banan baxu Dhaafo intii loo qorsheyay iskuna Bedelo Gacan ka hadal helia gelin kara Nabad gelyadda muwaadiniinta.
Waxa kale oo qodob kani inoo sheegaya cida ka masuul ah kala kaxeynta banan baxayaasha oo ah Ciidanka booliska. Ka dib Markay go’aan ka helaan gudida nabad gelyada qaranka
Waa Ayo gudida nabadgelyada Qaranku?
Qodobka 5aad
Xubnaha Guddiyada Nabad-gelyada Qaranka
Xeerkan waxaa lagu dhisayaa Guddiyada Nabad-gelyada oo kala ah:-
3 qaybood ayay u kala baxayaan gudidu
B) Heer Qaran
T) Heer Gobol
J) Heer Degmo
B. Heer Qaran:
1. Madaxwaynaha JSL
2. Madaxwayne ku-xigeenka JSL
3. Wasiirka W/ Arrimaha Gudaha
4. Wasiirka W/Gaashaandhigga
5. Taliyaha Ciidanka Booliska;
6. Taliyaha Ciidanka Qaranka
7. Taliyaha(Madaxa) Sirdoonka Qaranka
T. Heer Gobol:
1. Guddoomiyaha Gobolka
2. Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka ama qaybaha
marka ay hal qayb ka badan yihiinTaliyaha Qaybta ee Ciidanka Qaranka
4. Taliyaha Sirdoonka Gobolka.
J. Heer Degmo:
1. Duqa Degmada;
2. Taliyaha saldhigga booliska ee degmada ama
Taliyayaasha saldhigyada ee degmada;
3. Taliyaha Ciidanka qaranka ee aagga degmada;
Haddii xubin ka mid ah xubnahaas kor ku xusan ay
maqnaato, waxaa halkeeda buuxinaya xubinta
shaqo ahaan ku xigta xubinta maqnaatay.
QODOBKA XIGA
Qodobka 14aad
Habka Loo Joojinayo Bannaan-baxa
1. Sida ku cad qodobka 13aad, marka ay lagama
maarmaan noqoto in la joojiyo isu soo bax
(bannaan-bax), waxaa marka hore loo jeedinayaa
bannaan-baxayaasha inay joojiyaan isu soo baxa
kana dheeraadaan dadku goobaha lagu
qabanayo isu soo baxa, iyadoo loo marayo
amarka Guddiga Nabad-gelyada degmada,
gobolka ama Qaranka, hadba siday tahay.
2. Haddii ay u hogaansami waayaan bannaan-baxayaashu amarka joojinta isu soo baxa, waxaa
ciidamada ammaanka amar lagu siinayaa inay
xoog ku kala kaxeeyaan iyaga oo adeegsanaya
gaaska dadka kaga ilmaysiiya, xabada rabadhka
ah, ama biyaha xoog badan.
3. Cid kasta oo amarka joojinta diidana waxaa la
horgeynayaa maxkamadda awooddda u leh,
waxaana mid kasta lagu xukumayaa ugu yaraan
Saddex bilood ugu badnaan lix bilood oo xadhig
ah, haddii aanu dhicin dambi kale oo ka culusi.
QODOBKANI wuxuu inoo sheegayaa Dariiqada loo marayo joojinta Banaan baxa.
a) Notice” ogeysiis ayaa la siinaya marka hore waana la war gelinayaa banaan baxaysha inay joojiyaan Banaan baxa.
Talaabada labaad
b) haday u hogaansami waayan Waxa amar lagu siinaya iney Xoog ku kala kaxeeyaan isu soo baxayaasha ama banan baxaaysha.
:- waxay ciqaabtiisu dhigeyaa lix bilood haddi aanu dhicin fal ka sii culus amarka joojinta.
SOO JEEDIN
1. Sida uu dastuurku uu ku waajibinayo muwaadin kasta QODOBKA 34AAD
WAAJIBMDKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA
GUDASHO LA’AANTA WAAJIBAADKA
1. Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka
Qaranimada iyo difaaca dalka iyo dunta si waafaqsan xeerka.
Waa in la ilaaliyaa nabad gelyada guud Anshaxa iyo midnimadda umadda.
2. Waa in banaan baxa loo dhigaa si xeerka waafaqsan oo la ixtiraamaa dhamaan xeeraka wadanka. Sida qodobka 34 faqradiisa 2 Qof kasta waxa ku waajib ah inuu xaq
dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.
3. Waa in Dadka ababulaya banan baxyadda bulshada wacyi gelin siiyaan, habka loo banan baxayo iyo sida wadooyinka loo marayo si salmi ama nabad gelyo leh.
4. Waa inaan boolisku muwaadiniinta u isticmaalin xabad nool; Oo haday banan baxayashu rabshado dhigaan La sameeyaa Waxyabo lagu kala kaxeeyo sida Sunta kaga ilmeysiisa dadka iyo waxyaabo aan naftooda wax yeelaynayn. “Maadama aanay xabada nool xal aheyn dhimashona iman karto.
5. Waa in gudidad Heer qaran iyo heer gobol iyo heer degmo arinta waajibkooda ka gutaan oo cidda abaabuleysa banaan baxa u sheegaan iney ka mas’uul yihiin wixii rabshado ka dhasha.
#Mahad_Mohamed_Hussein

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.