Bam-gacmeed lagu weeraray Guri ay deggen yihiin Xubno ka tirsan Maamulka Koonfur-galbeed

0

Guriga ay deggen yihiin Guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Baydhabo Maxamed Isaaq Ibraahim Aflow  iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada Xannaanada Xoolaha ee maamulka KMG ee Koonfur-galbeed Somalia ayaa Bam-gacmeed lagu weeraray xalay, iyadoo bamka uu geystay khasaare dhaawac ah.

Maxamed Isaaq Ibraahim (Afloow) oo ahaa Guddoomiye ku Xigeenkii hore ee Magaalada Baydhaba ayaa warbaahinta u Sheegay inay qabteen ninkii Bam-gacmeedka kusoo Tuuray dhismaha ay deggen yihiin, kaddib markii ilaaladiisa ay ku fureen rasaas uu ku dhaawacmay.

Sidoo kale, mas’uulkan ayaa sheegay inay ninkan u gudbiyeen xabsiga dhexe ee Baydhabo halkaasoo uu ku xidhan yahay, mana jiraan wax khasaare ah oo Xubnahan kasoo gaadhBaydhabo_Bay_Somaliaay weerarkii bambaano ee xala lala beegsaday gurigooda.

Dhanka kale, Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya, ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa maamulka Koonfur-galbeed ayaa ku sii socda deegaannada ay Gobolka Bay kaga sugan yihiin xoogagga Al-shabaab sida degmooyinka Diinsoor, Ufuroow iyo Idaale.

Ugu dambeyn, Ciidamada Itoobiya ee AMISOM oo ku Sugan Gobolka Gedo ayaa iyagana kusii-jeeda degmada Baardheere oo ka mid ah Degmooyinka Gobolkaas ayna Gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.