Ballanqaadkii Saxaafadda Maxaa Ka Fulay?

0
Madaxweynuhu Ma Waxa Uu Isku Khalday Ankara & Accra?

Ballanqaadkii Xisbiga KULMIYE ee Saxaafadda shan sanno ka hor

12 qodob ee ballanqaadkan ku jira laba ka mid ah ayaa wax yar laga fuliyey, inta kale Fulin ayey sugaysaa

1.8. Warbaahinta

Xisbiga KULMIYE wuxu aamminsan yahay in warbaahintu tahay
tiirka afraad ee qarannimada. Warbaahin madaxbannaan oo firfircooni waxay muhim u tahay tisqaadka qarannimada iyo maamul-wanaagga.

Balse kaalintaa muhiimka ah waxa qaadan kara warbaahin leh mihnad saxaafadeed oo sarraysa, akhlaaqiyaad suubban iyo dheelitirka xogaha iyo wararka. Si loo gaadho hankaa iyo himiladaas, Xisbiga KULMIYE:

  1. Waxa uu dhawri doonaa madaxbanaanida saxaafadda Somaliland si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka saxaafadda
    JSL.

  2. Waxa uu hirgelin doonaa dugsi ama kulliyad saxaafadda lagu
    barto iyadoo Jaamacadaha lagu dhiirrigelin doono furista
    Kulliyadaha Saxafadda.

  3. Waxa uu dhammaystiri doonaa Xeerka Saxaafadda JSL ee qabyada ah, iyada la tashi lala samaynayo waayo-araga iyo rug
    caddaaga saxaafadda JSL.

  4. Waxa uu suurtagelin doonaa in la abuuro Guddida Heer Qaran ee Anshaxa iyo Maamulka Saxaafadda oo madax banaan.

  5. Wuxu suxufiyiinta siinayaa xorriyad buuxda oo ay shaqadooda
    suxufinimo ku qabsadaan hannaan waafaqsan dastuurka JSL,
    shuruucda saxaafadda ee maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba.

  6. Waxa uu hubin doonaa in suxufiyiinta la soo eedeeyaa ay caddaalad buuxda oo madaxbannaan helaan iyada oo la raacayo Xeerka Saxaafadda iyo Dastuurka Qaranka.

  7. Waxa uu u fududayn doonaa sidii ay bulshada caalamku saxaafadda wax ula qaban lahayd, isla markaana uga mid noqon lahayd ururrada saxaafadda ee caalamiga ah iyo kuwa heer gobol.

  8. Waxa uu suxufiyiinta iyo ururrrada saxaafadda ka kaalin
    doonaa sidii ay u heli lahaayeen fursadaha tababarrada dibedda
    iyo deeqaha waxbarasho ee suxufinimo ee caalamiga ah.

  9. Waxa uu kor u qaadi doonaa awoodda waxqabad ee ururada
    saxaafadda.

  10. Waxa uu si gaar u dhiirrigelin doonaa gabdhaha suxufiyiinta ah
    isaga oo dejin doona barnaamijyo ay ku helaan tababbarro iyo
    waayo-aragnimo saxaafadeed.

  11. Waxa uu fududayd doonaa qaadashada liisannada ee qaybaha kala duwan ee warbaahinta si waafaqsan shuruucda saxaafadda
    dalka.

  12. Waxa uu meel marin doonaa nidaam suxufiyiintu ay ku heli
    karaan aqoonsi suxufinimo si aanay saxaafaddu u noqon mihnad cid wal oo aan xirfad u lahayn si fudud isaga soo gasho.
    W/Q Saleebaan Saxansaxo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.