Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye) Boobe Yuuusuf

0

“Wadaamaha la dawdabay,

Dan-yartay ka maqan tahay,

Raacdadu ma daallana,

Dorraad iyo shalay-jire,

Doorka maanta noo jire,

Dib-u-jire hadhow-jire,

Ninba weel u daray baa,

Deyn loogu leeyahay,

Diiwaanka qarankiyo,

Taariikhdu dug ma leh,”

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com

 

Qormada: 19aad

 

24/1/2015ka Hargeysa,

 

Markii aynu yar hakinaynay taxanaheennan Gorfaynta, waa tii aynu Tuduca ka soo amaahannay maansadii Gol-janno ee Hadraawi. Si aynu haddaba ugu noqonno taxanaheennii aynu mar kale yar baadhanno Gol-janno si aynu majaraheennii hore u qabsanno. Markanna waxaynu ku qasban nahay Tuducan hoos ku qoran ee ah:

 

“Gol-jannaan ka shaxayee,

Goor maan dawaafkii,

 

Tegay webi Ganaaniyo,

 

Gabbalaha dusheenna ah,

 

Waxba yaan ku raad-gadan,

 

Nabarrada I gubayee,

 

Gorof-legedka hoosiyo,

 

Gunta maan u soo dego,”

 

 

 

 

 

Haa……..Waa run. Dhinac marka aad ka joogsato waa aynu kala maqnayn tan iyo 13/1/2015ka. Geesta kale marka aad iska taagto waa aynu wada joognay oo qormooyin kale oo Sabtiile-kalkal ah iyo shan qormo oo Kuluc ahaa ayaa ina kala gaadhay, xaggaa marka aad ka joogsatana waa aynu wada joognay.

 

Ma diiddani in ay ku kala maqnayn taxanihii dheeraa ee ahaa Gorfaynta Barnaamajkii Ballan-qaadka ahaa ee Kulmiye oo aynu maraynay Qormada 18aad. Idinka oo raalli ah, ku soo dhawaada Qormadii 19aad ee Gorfayntaas oo aynu rogaal-celinteennan ku ballaysimaynno. Waxaynu isku deyi doonnaa haddii Eebbe idmo in aynu dhammaynno Gorfaynta Barnaamajkaa. Waxa kale oo aad qorshaha ku darsanaysaan in aynu yar hakin doonno taxanahaas Gorfaynta, mar kasta oo ay wax kedis ahi inagu soo dhacaan. Ilaahayow wax kasta oo inagu imanayaba wax san ka yeel. Aammiinta igu dara.

 

Wixii immika ka dambeeya, waxaan jecelahay in aynu qorshihii ama qaabkii hore wax ka beddello. Qaabkaa hore ee aynu ilaa hadda ku soo dhaqmaynay wuxu ahaa in aan hadba Qodob Barnaamajkaa ka mid ah idiin soo qaddimo ama bandhigaba, ka dibna raaciyo faallayn kooban oo aan ku guud-marayo waxa ka qabsoomay iyo waxa aan ka qabsoomin aniga oo si dhab oo mowduuciya u hadlaya oo aan dafirayn wax la qabtay oo fulay isla markaana aan qiraynayn wax aan la qaban.

 

Dad badan ayaa dhibsada qormooyinkan Gorfaynta ah. Sababtu waxay doontaba ha noqoto e’. Iyagu inta ay qalin iyo warqad qaataan ma daafacaan guulaha aan jirin ee ay Xukuumaddeenna Isu-boga Faan-jecel sheegato. Adiga ayay kaa doonayaan in aad u sheegto una qirto waxaan jirin ama ka aammustaba si ay beentoodu suuq u hesho. Waxaasina wax damiirka xalani oggolaan karo ama saamixi karo ma aha.

 

Dadka caynkaas u hadlayaa waxay I soo xusuusiyaan weedh taariikhi ahayd oo laga guntay Danab Aadan Sheekh Maxamed oo loo yaqaannay Aadan-shiine oo ka mid ahaa hoggaammadii SNM soo maray oo cadowgu ku toogtay Jigjiga 31/5/1987kii goor fiidnimo ah meel ku dheggan Masaajidka Sheekh Cabdisalaan.

Xigashadan Aadan-shiine waxaan ka soo dheegtay hadal dheer oo uu ka jeediyay Shirweynihii 5aad ee SNM oo bishii Maarj, 1987kii ku qabsoomay magaalada Harare e dalka Itoobiya. Aadan-shiine hadalladiisii dhaxal-galka ahaa ee uu maalintaa jeediyay waxa ka mid ahaa: “Waxaynu ku jirnaa waa dagaal, iskuna raalli-gelin meeynno halgan dad la og yahay ku dhimanayo.” Waa Shirweynihii 5aad oo mar labaadkii Siilaanyo loogu doortay Guddoomiyaha SNM.

Aniguna maanta taa teedii ayaan taagnahay oo isku raalli-gelin meynno halgan wax la og yahay loo soo maray, maantana qarka u saran in koox danaysato ahi majaro-habaabiso.

Aynu u soo noqonno Barnaamajkii Ballan-qaadka afka ah ahaa ee Kulmiye inaga siistay   waraaqaheennii cod-bixinta ee dheemmanta ahaa.

Waa Bogga 25aad oo ku suntan Difaaca iyo Sugidda Ammaanka Qaranka. “Faan weynaa,” ma maqli jirteen! Aan idiin soo gudbiyo marka hore waxa ay mowduucan ka qoreen:

 

Horumarinta Ciidanka Qaranka:

Kulmiye wuxu rumaysan yahay in ciidanka qaranku noqdo mid u tababaran difaaca iyo sugidda iyo nabadgelyada qaranka. Dunida maanta jirta, waa mid aan waxa berri dhici kara ka saadaalin, waxa inagu xeeran khataro iyo halista ka jirta gobolkan.

 

Hakad geli:

“Dunida maanta jirta, waa mid aan waxa berri dhici kara ka saadaalin,” Qoodhiin iyo xeradiin bal weedhaa u fiirsada. Ma dunidan maanta jirta ayay ka sheekaynayaan, mise tolow hadalka ayaa is-dhaafay e’, iyaga ayaa iska sheekaynaya. Bal adba!

 

Barnaamaj-ku-sheeggoodii ku soo noqo:

Ciidanka dalkeennu wuxu laf-dhabar u yahay jiritaanka dalkeena iyo qaranimadiisa. Haddaba Kulmiye waxa ka go’an inuu abuuro ciidan leh cudud millateri oo xooggan oo si wanaagsan u tababaran, qalabaysan oo cawil-celin iyo daryeel wanaagsan la siiyo si uu xilkiisa qaran ee loo igmaday u guto. Haddaba si loo sameeyo ciidan wanaagsan oo tayo leh oo daboola baahiyaha nabadgelyo iyo difaaca Somaliland, Kulmiye waxa u qorshaysan:

 

  • Qorshe tifaf-tiran oo istaraatejiyad guud lagu hormarinayo ciidammada qalabka sida guud ahaan iyo weliba sugidda nabadgelyada dalka,
  • Waxa uu samayn doonaa guddi xeel-dheerayaal heer qaran ah oo dibuhabayn ku sameeya ciidanka qaranka , iyadoo si qumman loo dheelli-tirayo dhismaha noocyada ciidamada kala duwan, sida ciidan dhulka, ciidanka circa iyo ciidanka badda iyadoo la samayn doono darajooyin ciidan,
  • Waxa la siin doonaa ciidanka dalka cawil-celin iyo daryeel wanaagsan, waxaana sannadka 1aad loo kordhin doono mushaharka 300% marka uu taladda dalka hoggaamintiisa ku guulaysto Kulmiye,
  • Waxa la samayn doonaa kulliyado iyo dugsiyo lagu barto culuunta milleteriga, isla markaana ciidamada la siinayo tababarro joogto ah oo qorshaysan oo ku wajahan darajooyinkooda iyo xirfadahooda gaarka ah,
  • Waxa uu xoogga saari doona horumarinta iyo casriyeynta qalabka iyo saanadda milateri ee ciidanka qaranka,

 

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.