Bahda Garsoorku Yaannu Eed Isu Marin Warbaahinta ee Sharciga ha Isku Qanciyeen!

0
Bahda Garsoorku Yaannu Eed Isu Marin Warbaahinta ee Sharciga ha Isku Qanciyeen!

Bahda Garsoorku Yaannu Eed Isu Marin Warbaahinta ee Sharciga ha Isku Qanciyeen!!

In Xeer-ilaalintu warbaahinta ka eedayso Maxkamadaha, iyadoo hannaan sharci oo tiro badan ay cabashadooda uga falcelin karaan waxay wiiqaysa kalsoonida hay’adaha garsoorka. Waliba kiisku marka uu yahay mid aan gebagebo ahayn waxay saamayn ku yeelanaysa ka go’aangaadhista kiiskaas.

Maxkamaduhu khalad sharci waa geli karaan, balse waxa jira habab lagaga cabban karo, hadday duris, rafcaan, cabbasho garsooraha laga gudbin karo iwm ah noqota ba.

Xeer-ilaalinta iyo Maxkamaduhu waa labada hay’adood ee Garsoorka la isku yidhaa. Mid waxay u taagan tahay sharci-ilaalinta, midna sugida caddaaladda.

Mar wal ba Xeer-ilaalintu waa dhinac muduuci ah oo cid kasta oo ku eedaysan in ay qaranka dambi ka gashay muduuci ku ah, halka cida u doodaysa amma metalaysa dhinaca eedaysana ay is-difaace tahay. Labada dhinac waxa u dhaxeeya Garsoore ay tahay inuu go’aan ka gaadho waxa la isku hayo, waafajiyana sharciga, marka uu dhegaysto, kuna qanco caddaymaha iyo dooda-sharci ee labada la yimadeen intii garmaqalka dacwadu socday.

Darajooyinka kala duwan ee Maxkamadaha (Darajada koowaad Degmi, Gobol iyo Rafcaan iyo Darajada 2aad oo ah Maxkamadda Sare), Guddida Caddaaladda iyo Maamulka Maxkamadaha-Guddoomiyayaasha-waxa loo sameeyey in hannaanka cabbasho ee dhanka ah Maxkamadaha iyo Garsoorayaasha lagaga gudbo, haddii dhinac ku qanci wayo sida wax u socdan.

Haddaba, Garsoore amma Xeer-ilaaliye inuu kiis socda warbaahinta kaga hadlo oo dhinac eed u jeediyo hannaanka caddaaladda uma fiicna, wiiqisna way ku noqonaysaa.

Haa, kiisaska Musuqmaasuqu waa kuwa aan lahayn dammaanada amma laga reebay in qofka ku eedaysan dammiin lagu sii daayo Sida ku cad Qodobka 6aad ee Xeerka Ka Hortaga ku Takrifalka Hantida Qaranka iyo La-dagaalanka Musuqmaaduqa (Deer No. 38/007).

Taas macnaheeduna maaha in qofka inta la doono la iska haysanno ee waxa Garsooraha iyo Xeer-ilaalintu ku waajiba in waqtiga sharciga ah lagu soo gebagebeeyo baadhista iyo dacwada.

Dulucdaydu waa in Garsoorku eed isu marin warbaahinta si aan hannaanka caddaaladdu (Justice System) inooga dhawacmin. Waayo waa goob dadka oo dhan u dhex ah.

Allah Mahad Leh
Qoraa Ibraahim Khadar

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.