Bahadda SayruuqNews Waxay Hambalyo Aroos Halkan U Marinayaan Arooska Cabdale Cawil X. Cabdi iyo layla Yuusuf Axmed

1

asxaabtan hoos ku qoran waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Arooska

Cabdale Cawil X. Cabdi iyo layla Yuusuf Axmed oo habeenkii xalay 11/6/15 aroos koodu ka dhacay hotel Golis magaalada burco: waxaanay u hibaynayaan maansadan qaaliga ah ee uu tiriyay abwaanka way nee cabqariga ah Xasan Dhuxul Laabsaalax

    1. Mustafe Cabdi Xasan iyo Xaaskiisa
    2. Mahad Axmed Aadan iyo Xaaskiisa
    3. Xasan Cabdilahi Cabdi iyo Xaaskiisa
    4. Mustafe Axmed Faarax iyo Xaaskiisa
    5. Cabdisamed Bashiir Libaax iyo Xaaskiisa
    6. Cabdi Suudi Ibraahim
    7. Cabdisamed Axmed Rooble
    8. Naasir Cabdiraxman Maxamed
    9. Xasan Jaamac Xasan
    10. Mawliid Maxamed Cabdilahi (Xamar)
    11. Mukhtaar Maxamuud Jaamac (Roobow)
    12. Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (DG)
    13. Nuur Cabdilahi (Nuur Cade)
    14. Maxamuud Cabdilahi ( Cawaandi)
    15. Xasan Cabdilahi X Axmed (Adriano)

 

20150305_113158

20150326_110108 

 

 

 

  • Dookhii Ma Meel Maray Deeqweeye Calafkuye,
  • Maysku Daray Lamaanaha Isku Xiga Dadoo Idil.
  • Nasiibkii Masoo Diray Darajooyinkiisii
  • Jacaylkii Dawayn Jirray Labbadii Is Doortaba,
  • Nuurkii Ma Daarroo Daddab Xeeran Caawaba
  • Maddageen Lamaanaha Muxubadda Dugaashaday.
  • Xiddigihii Damaashaad Suuggaanta Darrayga Ah,
  • Darran Doori Heesaha Dhankoodii Durbaannada,
  • Ma Tumeen Darraaddood.
  • Dhaqan Waa Dulqaadkiyo Haddal Dabacsanaantee,
  • Intay Noloshu Deeq Iyo Darajiyo Lib Leeddahay,
  • Intay Dhaqasho Doorriyo Dugsi Iyo Rug Leeddahay,
  • Intay Raaxo Dammac Iyo Farax Iyo Dux Leedahay,
  • Waligiin Daryeel Dhaba Waligiin Dulqaad Midda
  • Ku Daweeya Noloshoo Usii Daaya Laabbaha,
  • Caashaqu Ha Dararree.
  • Halka Laga Dawoobee Daahir Lagu Ahaaddiyo,
  • Halka Lagu Daggaa Garo Dugsi Iyo Rug Weeyaan,
  • Halka Daalku Taabtiyo Dalan Baabi Iyo Habbaw,
  • Diifta Lagu Illaawaa Darmo Wehel Leh Weeyaan.
  • Halka Nolol Dugsoon Iyo Dugsi Laga Helaa Waa,
  • Gaarri Dumar Agteediyo Miday Ruuxdu Doontoo,
  • Kuu Dooray Mawluhu.
  • Nina Waa Kii Dushiisiyo Hilka Duudka Saartee,
  • Sidday Ula Daddaashee Guusha Ulla Danaysee,
  • Ila Doonto Libbintii Isna Ugu Dirnaadee
  • Ugu Diirnaxee Dhaqa.
  • Idinkuna Dul Iyo Hoos Isku Doonisbaa Tiin,
  • Isku Diirad Kaliyoo Waydinkaa Isdoontoo
  • Waydinkaa Is Deeqee Naxariis Is Daawadda.
  • Noqda Laba Dantoodiyo U Dirrnaada Reerkoo,
  • Xaggal Daac U Diidoo Diiqad Li’ I Kuwada Nool.
  • Idinkuna Dul Iyo Hoos Isku Doonis Baatiin,
  • Isku Diirrad Kaliyoo Danta Meel U Wada Jirra.
  • Noqda Labadda Daymada Isku Fahma Darreenkoo,
  • Ruuxba Ruux Daryeeliyo Dabacsani U Muujoo
  • U Damqadda Midkii Kale.
  • Galgacayl Ku Aqal Gala Caashaqa Ku Doogsadda,
  • Muxubbada Ku Diirsadda Darmo Qudha Kuwada Jira,
  • Duco Waalid Hagar Li’i Ku Dakeeya Raaxadda.
  • Isna Daaddaheeyoo Noqda Ul Iyo Diirkeed,
  • Gurigiina Laga Daah Duro Iyo Waswaaskoo,
  • Diradirre Ka Nabadgala Kuwa Dumiya Reeraha.
  • Dar Illaah Mataanahan Sida Roob Darrooriyo,
  • Circa Dhibic Kasoo Da’ay Dhulku Uu Ugu Doogsado,
  • Galgacayl Daruurrihi Qalbigooda Ugu Duxay.
  • Dar Illaah Mataanahan Kala Doonay Aayaha,
  • Dar Illaah Mataanahan Wada Doogay Caashaqa,
  • Dar Illaah Mataanahan Isku Doortay Noloshee,
  • Iska Doortay Noolahadhamaantii.
  • Daayimaw Allahayaw Ubad Doora Kala Sii,
  • Daayimaw Allahayaw Ubad Diinleh Kala Sii.
  • Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin

 

Abwaan Laabsaalax

 

 

Comments

comments

1 COMMENT

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.