Badhasaab Ku Xigeenka Xaysimo Oo Ka Hadlay Abaarro Ka Jira Gobolkaasi

0

Taleex (Sayruuq): Guddoomiye ku xigeenka gobolka Xaysimo Jaamac Ciise Shaacur, ayaa sheegay in xaalad abaareed ay soo food saartay gobolkaasi iyo degaamadda hoos yimaada, isla markaana uu haatan dhamaday wixii calaf ahaa ee ay xooluhu cunayeen.

Waxaanu guddoomiye ku xigeenku ugu baaqay xukuumadda Somaliland iyo gudidda abaaraha heer qaran inay gar-gaar la soo gaadhaan bulshadda degaankaasi, oo ay hadda xooluhu bilaabeen inay dhintaan.

Jaamac Ciise Shaacur, oo xalay telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska DAWAN, isagoo joogay magaaladda Taleex ee xarunta gobolka Xaysimo waxa kale oo uu ka hdlay xaaladda nabadgelyo ee gobolka, taasi oo uu sheegay in ay wakhtigan degan tahay.

Badhasaab ku xigeenka gobolka Xaysiimo, oo ugu horayn ka warbixinayay baaxadda abaarta ka taagan degaankaasi waxa uu yidhi “Waxaa jirta abaar baaxad leh oo ka taagan gobolka Xaysiimo iyo degaamadda hoos yimaadda, waxaana ka jirta abaar saamaysay dadka iyo duunyaddaba. Inkastoo ay dalka oo dhan ka jirto abaartu, hadana gobolkan Xaysimo waxaa wakhtigan la joogo ka taagan abaar, taasi oo keentay biyo la’aan ka taagan degaamo badan oo gobolkan ka tirsan.

Sababta aan uga hadlayaana waa si loo ogaado saamaynta ay ku yeelatay abaartu gobolkan iyo halka ay xaaladu marayso, iyadoo aanay weli roobabkii gu’gu ka di’in, abaartuna marba marka ka danbaysa ay soo kordhayso. Ujeedada ugu weynina waa in la ogaado baaxadda abaarta degaankan ka taagan, xogna aanu ka bixino. Biyo la’aan ayaa jirta, dhulkii ay xooluhu daaqayeena wuu xaalufay, xoolo badan oo dhintayna way jiraan”.

Dhinaca kale, badhasaab ku xigeenka Xaysimo, waxa uu sheegay in xaaladda nabadgelyo ee gobolku ay aad u wanaagsan tahay, isla markaana aanay wakahtigan wax hibaato ahi ka taagnayn. isagoo intaasi ku daray in ay jiraan dhacdooyin kala danbeeyay oo dilal ahaa, balse haatan la xaliyay.

“Xaaladdda nabdgelyo ee degaanku aad ayay u wanaagsan tahay, colaado hore u soo jiitamay oo degaanka ka dhacayna way jireen, oo laba beelood oo walaalo ah u dhexeeyay, kuwaasi oo haatan sidii loo dhamaystiri lahaa lagu jiro. Ka maamul ahaan iyo xukuumadba waa lagu jiraa sidii hawlahaasi loo dhamaystir lahaa, diyaar ayaana loo yahay in la dhamaystiri sidii looga shaqayn lahaa nabada labadaasi belood” ayuu yidhi badhasaab ku xigeenka gobolka Xaysimo.

Jaamac Ciise Shaacuur, waxa kale oo uu sheegay in maamulka gobolka oo wakhtigyadii hore lagu xaman jiray in aanay deganayn magaaladda Taleex, isla markaana aanay ka hwal-gelin waxa uu sheegay inay imika si buuxda uga shaqeeyo maamulku.

Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Arrintaasi sida dadku u sheegaan ma aha, maamulka gobolka Xaysimo wuu ka shaqeeyaa xarunta gobolka ee Taleex, xafiisyona wuu ku leeyahay, maamulkuna wuu joogaa imika, oo waanigan kaala hadlaya. Wararkaasi waa kuwo been ah oo dadka war xumo sheega ah ay faafiyaan, markaa imika maamulku wuu ka shaqeeyaa gobolka.
Maamulkuna waxaa loo magacaabay in uu ka shaqeeyo amaanka iyo hawlaha kale ee gobolka, xukuumaduna way og tahay in maamulku si buuxda uga shaqeeyo gobolka”.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.