Baashe Oo U Jawaabay Eng Faysal Cali Waraabe

0
Degdeg: Waddani Oo Xubintiisa Komishanka La Noqday

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in isaga iyo Faysal Cali Waraabe, isku hayaan Dhaqaalihii xisbiyadu qaadan jireen oo Golaha wakiilladu ka yareeyeen.

Baashe, ayaa xusay in miisaaniyadda danbe xisbiyadu ku qaadaan doonaan Cabbirka codadkii ay ka heleen Doorashadii madaxtinimo.

Guddoomiyaha golaha Wakiillada ayaa sheegay in ay go’aansadeen in aan guddoomiye Faysal, mar danbe isu soo sharraxayn doorashada madaxtooyada taas oo macnaheedu yahay in ay soo saarayaan xeer cusub oo ka mumnuucaya.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaan eedeeyay Guddoomiye Baashe inkasta oo uu markii dambe raalligelin bixiyay. Faysal ayaa sheegay in ay Baashe isku hayaan arrimo ku saabsan doorashooyinka ee baarlamaanka khuseeya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.