“Baashe Cawil Anigaa Magacaabay..”Wasiir Maxamed Biixi Yoonis

0

Hargeysa(Sayruuq)- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inuu lahaa talada Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay Wiilka Uu Sodogga u yahay ee Baashe Cawil.

Wasiirka oo waraysi siiyay Wariyaha gaarka ah ee Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inuu Baashe Cawil yahay shakhsi leh aqoonta Safiirka Dubai ee loo magacaabay “Baashe Cawil Cumar, anigaa magacaabay oo kula taliyay Madaxweynaha. Waxaan ugula taliyay inuu magacaabo waa muwaadin Somalilander ah, waa muwaadin dastuuriyan xaq u leh sida qof walba u shaqeeyo, waa mutacalin master degree sita oo ka soo baxay jaamacaddaha Ingiriiska” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.

Wasiirka ayaa ku dooday inuu kalsooni badan ku qabo masuulkan qoyska Madaxweynaha ka tirsan ee loo magacaabay wakiilka dubai “Waxaan ku kalsoonahay inuu kartideedii iyo aqoonteedii leeyahay masuuliyadda aanu u dhiibnay oo aanu ceeb soo jiidayn ee aanu hubno inuu waxbadan ka qaban doono oo midho badan ka dhalin doono wadanka Imaaraadka ee aanu uga baahan nahay  waxtarka iyo dhaqaalaha” ayuu yidhi Wasiirku.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa magacaabay wiilka uu sodogga u yahay ee Baashe Cawil oo uu ka dhigay wakiilka Imaaraadka ee Somaliland, xilligaasi oo wasiirka khaarajigu ku maqnaa dalka dibaddiisa, balse wasiirka oo ku doodaya inuu kaalin mug leh ku lahaa magacaabistiisa ayaa ku doodayaa inaanay habboonayn in magacaabistiisa lagu dhaliilo qoyska madaxweynaha ee uu ka qabo.

Magacaabista Baashe Cawil, ayaa soo jiitay indhaha bulshada iyadoo si weyn loo hadal hayay, qaar ka mid ah Mucaaradkuna ku macneeyeen inay tahay danne dhaqaale oo xukumaddu ka helayso Dubai in loo tafo xaytay.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.