Baarlamaanka Soomaaliya Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Dhiibistii Qalbi Dhagax

0

Muqddisho(Sayruuq) Baarlamanka federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sharci darro ku sheegay go’aankii xukuumadda Soomaaliya ugu gacan galisay dawladda Itoobiya Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax bishii August ee sanadkan. Sidoo kale waxa uu baarlamanku meesha ka saaray in ururka ONLF uu yahay urur argagixiso.

Guddi baarlamaanku hore ugu saaray kiiska Qalbi-dhagax ayaa golaha keenay warbixinta ka soo baxday baadhistooda. Guddoomiyaha Guddiga baadhitaanka kiiskan Xildhibaan Cali Xoosh ayaa warbixin dheer ka hor akhriyay Xildhibaanada, isagoo xusay in heshiisyadii ay cuskatay Xukuumadda ee dowladdii hore gashay aanu aheyn heshiis isku celin maxaabiis.

Taliska Nabadsugidda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay dhiibista Qalbi Dhagax, isla markaana aan lagala tashan Hey’adaha Garsoorka dalka. Warbixinta Guddiga ayaa cod loo qaaday waxaana ogolaaday 152, halka 6 ay diiday waxaa ka aamusay 3 Xildhibaan.

Xukumadda Farmaajo iyo Khayre ayaa kalsoonida shacabka ku wayday dhiibista Qalbidhagax oo ku noola Soomaaliya kana mid ahaa ciidamada Soomaaliya 1977 muddooyinkii u dambeeyayna ka mid ahaa ururka ONLF waxaanu u dhashay kilalka shanaad ee Itoobiya.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.